Wednesday 6 July 2011

Dhaq dhaqaaqii ugu dambeeyay magacaabista Golaha Wasiirada (Xubno Miiska saaran & Xanta hoose)

Dhaq dhaqaaqii u dambeeyay ee lagu magacaabayo Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya ayaa ka socda Madaxtooyada Villa Soomaaliya, iyadoo ay soo idlaadeen wada tashiyadii ku aadanaa soo xulida shaqsiyaadka ka mid noqonaya Golaha Wasiirada, kadib markii ay meesha ka baxeen kala aragti duwanaan ku aadaneyd habka lagu saleynayo Golaha Wasiirada iyo shaqsiyaad la isku diidanaa oo tashwiish badan uu ka jiray.

Inkastoo Heshiiskii Kampala lagu gaaray bishii hore uu dhigayay in si awood qeybsi u dhistaan Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Xukuumada cusub ayaa hadana qaab dhismeedka Xukuumada cusub ee la soo wado aanu wax badan ka duwanaan doonin qaabkii hore.

Labada Shariif ayaa ahaa kuwo si dhow ugu kala aragti duwanaan qaab dhismeedka laga dhigayo Golaha Wasiirada, waxaana jiray hadal heyno ku aadanaa in Golaha Wasiirada laga dhigay 21-xubnood, si saddexda Mas'uul ay ugu soo kala xushaan min 7-Wasiir, laakiin soo jeedintaas waxay aheyd mid hal dhinac ka socotay oo aheyd dhanka Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Sidoo kale Madaxweyne Shariif ayaa qabay in hab dhismeedkii Golihii Wasiirada Farmaajo aan waxba laga bedelin, isla markaana si howsheeda u sii socoto ay noqdaan kuwo Wasiiradii ka midka ahaa ay sii watana shaqadooda oo dib mar kale uga soo dhex muuqdaan Golaha Wasiirada cusub.

Madaxweyne Shariif ayaa wali ku dhegan xubnaha lagu garab-tiriyo ee Aala-Sheekh, inkastoo xubno qaar ah markan ka soo muuqan doonaan, waxaa la hadal hayaa in xubnaha dib u soo laaban doono ay ka mid yihiin C/kariin Xasan Jaamac oo ah gacanta midig ee Madaxweynaha, sidoo kale Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed C/llaahi Oomaar, Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha C/nuur ayaa ah kuwo aad loo hadal hayo, waxaase la hadal hayaa in Wasiirkii Howlaha guud, guriyeynta iyo dib u dhiska C/rashiid Khaliif Xaasho oo xerta Aala-Sheykh ka mid ahaa uu isna iska waayo Golaha Wasiirada sida ilo wareedyo muhiim ay xaqiijinayaan.
Laakiin arrinta kale ee wali taagan ayaa ah jagada Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo qoyska oo aheyd tan kale ee Labada Shariif aad isugu dhegnaayeen, waxaana warar si horu dhac loo helayo sheegayaan inay sii heyn doono Dr. Maryan Qaasim oo in badan howlaha Wasaaradaas wax ka qabato, iyadoo lagu tiriyo Haweeneyda kaliya ee aqoonyahan ah Diintana si fiican u baratay.

Ilo wareedyo ay heleyso Shabakada Jowhar.com ayaa sheegaya in xubno la hadal hayay in Shariif Xasan garbaha ku watay aysan noqon doonin kuwo lagu arko Golaha Wasiirada, waxaa qaarkood meesha ka saari doona habka awood qeybsiga, gaar ahaan dadka Shariifka aadka loogu tiriyo ee lagu kala magacaabo C/risaaq Jurile iyo Jengeli, waxaana ragg beelahooda u dhashay la sheegay in lagu sii daray Liiska, gaar ahaan C/kariin Jaamac iyo Prof. Maxamed Xuseen Ilkadahab oo horay Safiir uga soo noqday dalka Jabuuti, isla markaana hada ka mid ah xubnaha aadka loo hadal haayo.

Sidoo kale xilalkii isku jiray ee Golaha Wasiirada ayaa ah kuwo la kala qaadi doono, waxaana inkastoo wararka iska soo daba dhacayaan ayaa hadana waxaa la sheegay in Wasaaradaha Dekedaha, Gaadiidka Badda, cirka iyo dhulka la kala qaaday oo horay Hal wasaarad u ahaa, sidoo kale Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa la sheegay in sideedi u ahaan doonto.

Warar qaar ayaa sheegaya in Shariif Xasan ku qancay qaar ka mid ah Wasaaradaha Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, cirka iyo Dhulka, Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo hal isku ah iyo Wasaarada Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka oo la sheegay in xubno uu u soo xushay.

Xogahaha ay Shabakada Jowhar.com ay ka heleyso Xarunta Madaxtooyada ayaa sheegeysa in kama dambeys maalinta berri ee Khamiista ah gelinka dambe lagu dhawaaqi doono, inkastoo wax walba ay is bedeli karaan.


Jowhar.com mar walba isha ku haay wararkii ugu dambeeyay iyo dhacdooyinka taagan

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...