Monday 4 July 2011

Odayada Beesha Ciise iyo M/weynaha D.D. S oo kulan ku yeeshay magaalada Diri-dhabe


 
    Waxaa Maalintii Arbaca, oo bisha juun ahayd 29,2011 ku wada qadeeyay huteelka loo yaqaan Salaam Hotel ee  ku yaal magaalada diri-Dhabe odayda beesha ciise oo uu ku jiro ugaaska 19aad  ee beesha Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim iyo wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha D.D.S Cabdi maxamuud Cumar,iyada oo casuumadana uu sameeyay madaxweynaha D.D.S
 
     Ka dib markii la dhamaystay Qadada waxaa isla markiiba la galay Qol ka mid ah qolalka  loogu talagalay kulanada noocaas ah, iyada oo madax weynaha D.D.S iyo odayada beesha Ciise oo uu la joogo ugaasku ay halkaa kuwada hadlayeen muddo ku dhaw 3 saac oo xidhiidh ah.
 
        Kulankaas waxaa la sugayay muddo dhan 3 bilood iyo Asbuuc, wuxuuna daba taagnaa cabashooyinkii iyo qaraaradii ka soo baxay beesha, kadib shirkii ay ku yeesheen bishii march 20/2011 Guriga Ugaaska ee ku yaal magaalada diri-Dhabe.
 
      Nuxurka kulankan looga wada hadlayay, waxa uu ahaa in xal laga gaadho saamiga beesha Ciise ku yeelan lahayeen Awood qaybsiga D.D.S Mida maamul iyo mida hour- marineedba sida  xubnaha sare ee xisbiga, wasiirada degaanka iyo federaalka iyo hadday tahay degmooyin loo  biiriyaba.
 
     Waxa M/wenaha D.D.S Sheegay inuu rabo in uu horta dhagaysto fikirka ay qabaan iyo waxay rabaan Beesha Ciise Isagoo islamarkaana sheegay misaaniyada sanadkan  loo qabtay D.D.S in ay dhan tahay 3 Bilyan oo Birr, Badideed misaaniyadana loo qondeeyay gobolka Shiniile iyo Goday oo aan sandaha soo socda ku talo jirno inaan horumar ballaadhan ka qabano gobolka shiniile, halka odayada beesha Ciisana ku jawaabeen waa waajib idiin saran inaad horumarisaan gobolka, waxaanan Iidinka fadhinaa inaan aragno waxqabadkiina haddii aad tihiin D.D.S iyo tan federaalkaba, waxaanse idiin sheegaynaa waxaan nahay reer misaan leh ma dal yarin. Mana dad yarin ee waxaan rabnaa inaan helno saamigii aan ku lahayn Awood qaybsiga mida maamul iyo mida horumarineedba sida in degmooyin naloo biriyo iyo xilalka magacaabista ee heer degaan iyo federaalba.
 
   Waxaa lagu murmay oo wakhti dheer qaatay oo qir iyo qir la isla soo fadhiistay qodobka ah hadda Go’aan cad nasiiya iyo maya ee aan dib ugula noqono masuuliyintii kale ee  ka midka ah hogaaminta aan talada wadaagno oo aan marino hay’addihii xisbiga iyo kuwa dawliga ee laga ansixin lahaa, iyada oo la isla qaatay markii danbe in dib ay ula noqdaan laakin jawaab deg deg ah ka soo bixiyaan.
 
   Cisihii ka dhursagayay  kulankan, markii ay falanqeeyeen  Arrinka waxay gudoonsadeen, in la sugo maadaama ay qasab tahay in la qabto wakhti dhaw oo aan sidaa u dheerayn kalfadhigii golaha wakiilada ee lagu ansixinayay misaaniyada sandaka cusub, oo haddi lagu soo daro ajandhaha cabashada beesha Ciise ee dhinaca Awood qaybsiga loo qaato wanaag iyo wada shaqayn fiican oo lagula sii macaamiloon karo D.D.S haddiise lagu soo dari waayo waxa u banaan beesha Ciise in ay tahay kaliya in laga wada hadlo wixii la gudboon ee kale oo dastuurku u ogolyahay ilaa heer gu’itaan oo inta deegaanka Soomaalida iyo warkiisa laga boxo gooni isu taagno.               
 
By Kaamil Cigaal
U dhi-dala          

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...