Wednesday 13 July 2011

Raysul Wasaare C/weli Gaas oo isu Diyaarinaya inuu Soo Bandhigo Liiska Golaha Wasiirada Kadib Dhaliil uga Timid Mahiga (Faahfaahin)


Muqdisho (RBC) Raysul wasaaraha KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa haatan ku guda jira diyaargarowgii ugu dambeeyey ee uu ku soo bandhigi rabo liiska golaha wasiirada cusub ee dawlada maalin ka dib markii ergeyga QM ee Soomaaliya Augustine Mahiga uu dhaliilo kulul u jeediyey madaxda DKMG ah.
Warar ku dhow xafiiska raysul wasaaraha ayaa RBC Radio u xaqiijiyey in saacadaha soo socda la filayo in raysul wasaaraha uu magacaabo golaha wasiirada iyadoo si weyn looga dareemayo xafiiska raysul wasaaraha mashquul fara badan.
Illaa xalay ayaa waxaa socday wadatashiyadii ugu dambeeyey ee u dhexeeya labada Shariif iyo raysul wasaaraha si ay ugu dambeyn isula meel dhigaan isuguna afgartaan xubnaha lagu soo darayo golaha wasiirada cusub.
Wararka ayaa sheegaya in inta badan ay soo dhamaadeen wada tashiyadaasi walow weli ay jiraan wasaaradaha qaarkood oo la isku heysto. Waxayna ilo wareedyo noo sheegeen in wasaaradaha maaliyada, arimaha  iyo warfaafinta ay si weyn ugu loolamayaan labada Shariif.
Shariif Xasan ayaa aad u raba inuu xulufadiisa u helo wasaaradaha maaliyada iyo warfaafinta iyadoo madaxweyne Shariifna uu aad ugu dhegan yahay wasaaradahaasi oo hadda ay hayaan rag ka tirsan kooxdiisa ‘AALA SHEEKH’ ee ay isku xulufada yihiin.
Xafiisyada saddexda masuul ayaa mashquul ah waxaana is harermaraya siyaasiyiin, xildhibaano iyo shakhsiyaad u badan qurbe joog oo ku lebisan dharka SUUDKA ah lagana dareemayo wajiyadooda rabitaan xil wasiirnimo.
Isbedelka wajiyada kala duwan
Dhanka kale waxaa saacadba saacada ka dambeysa soo baxaya isxulufeysi xoogan oo ka dhex socda xubnihii hore uga tirsanaan jirey ururkii Isbahaysiga dib u xoreynta Asmara ee hadda ku jira dawlada iyo haraadigii dawladii hore ee KMG ee uu madaxweynaha ka ahaa C/laahi Yuusuf ee weli ku harsan dawlada. Wacaana jirey xubno mudo dheer taageerayaasha Sheekh Shariif lagu tirin jirey oo haatan u weecday dhanka Shariif Xasan taasoo ku sakeysan balanqaadyada xilalka wasiirnimo ee ay labada Shariif sameynayaan .
Sidoo kale waxaa xafiiska raysul wasaaraha soo gaaray magacyo uu soo gudbiyey madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole kuwaasoo la sheegay in lagu dari doono golaha wasiirada, laakiin nooma suurtagalin inan helno magacyada xubnahaasi.
Dhaliisha Mahiga
Deg dega haatan ka muuqda magacaabista golaha wasiirada ayaa ku soo beegmay maalin ka dib markii Augustine Mahiga uu yimid Muqdisho kulana la qaatay saddexda masuul ee ugu horeysa DKMG sida madaxweynaha, raysul wasaaraha iyo Afhayeenka barlamaanka.
Warar ku dhow kulamadii shalay ee dhexmaray Mahiga iyo masuuliyiinta DKMG ayaa noo xaqiijiyey in Mahiga uu dhaliilay madaxda dawlada sida ay ula daaheen magacaabista golaha xukuumada oo waqti hore la filayey sida ku xusan heshiiska Kampala.
Hase yeeshee raysul wasaaraha ayaa la sheegay in markii uu la kulmay Mahiga uu uga dacwooday Labada Shariif uuna u sheegay in isqabqabsiga labada Shariif u dhexeeya ay hakisay magacaabista golaha wasiirada.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...