Monday 11 July 2011

War deg deg ah : Baarlamaanka Soomaaliya oo cod gacan taag ku ansixiyay Heshiiskii Kampala

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Heshiiskii Kampala (Kampala Accord), kaasoo 9-kii Bishii June ay ku saxiixeen Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, ee lagu soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay.

Kulankan oo ahaa mid degnaa Xildhibaanada ay ahaayeen kuwo si kulul uga doodayay Heshiiskii Kampala ayaa waxaa Gudoonka Baarlamaanka uu siiyay Makrafoonka si Xildhibaanada ay uga dhiibtaan fikirkooda.

Dooda Kulanka oo aheyd mid dheer oo saacado badan socday ayaa Xildhibaanada waxay aragtiyadooda ka dhiibanayaan sida ay ka qabaan, waxaana Kulanka maanta uu wax badan ka duwanaa kulankii shalay ee uu ku dhamaaday buuqa iyo fowadada.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo shir gudoominayay kulanka ayaa ugu dambeyn markii ay soo idlaatay dooda waxaa uu ku dhawaaqay in cod la geliyo, kadib markii Xildhibaanada ay soo aqristeen heshiiskaas markii shalay qoraalo loo qeybiyay.

Kulanka Baarlamaanka oo ay ka qeyb galeen 436-xildhibaan ayaa waxaa 393 ay u codeeyeen, in heshiiska ogolaadeen, haka 36- ay diideen, 7-ka mid ahna ay ka aamuseen, hase ahaatee waxaa fadhiga ka muuqatay in Xildhibaanada Baarlamaanka sidii shalay isugu mowqifka ka ahaayeen diiditaanka Heshiiska in wax badan iska bedeleen.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inuu kala fur furo Xildhibaanada diidanaa heshiiska oo shalay ahaayeen kuwo aqlabiyad ballaaran heystay oo ay kaga soo horjeedeen.

Wixii warar dheeraad ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...