Thursday 14 July 2011

CIA da Mareykankan oo xabsi lagu ciqaabo Muslimiinta kafuratay xerada Xalane (CIA using secret Somalia facility, prison Akhri Nation)



MUQDISHO:-
Xilli shirkado badan oo kufaarta caalamka kasocda oo ubadan kuwo gaaleeysiin iyo ciqaabida dadka ahlu towxiidka ah uyimid Soomaaliya ay kusuganyihiin gudaha xerada uguweyn AMISOM ee xalane sida kamuuqatay filimkii dhawaan aysoo saareen mujaahidiinta Alshabaab ee ahaa ”AMISOM WANIHAAYATUL MAXTUUM” oo ay kamuqadeen saraakiil gaalo cadaan ah oo kulamo laqaadanayay taliska gaalada ayaa waxaa markii ugu horeysay soo shaacabaxday in ciidamada CIA-da Mareykanka ay xabsi weyn kafurteen gudaha saldhiga xalane gaar ahaan qeybta xigta xeebta badweynta india.

Sida uu qoray wargeysga the Nation oosoo xiganayay saraakiil Soomaali iyo Mareykan isugu jirta xabsigan ayaa ah mid dhulka hoostiisa kuyaala islamarkaana lagu ciqaabo dadka lagu tuhmiyo inay katirsanyihiin mujaahidiinta iyadoo dhawaana dad muslimiin ah oo lagasoo dajiyay garoonka Muqdisho islamarkaana lagasoo daabulay wadamada Itoobiya iyo Kenya loo gudbiyay xabsigaasi.
Wargeyska ayaa intaa kudaraya in amaanka xabsiga si aad ah loo adkeeyay islamarkaana lagu hareereeyay dhismayaal shub ah iyo waliba silig ameerikaan si looga hortago camaliyaad istishhaadi ah oo ay kageystaan mujaahidinta oo horay weeraro xoogan kuqaaday fariisimaha ugu waaweyn kufaarta afrikaanta kuleeyihiin qeybaha kooban oo ay kajoogaan caasimada soomaaliya ee Muqdisho.
Sidoo kale wasiiru dowlaha madaxtooyada ridada C/qaadir Macalin Nuur ayaa isagoo qiranayo Xabsigaasi uu sheegay inay xiriir wanaagsan laleeyihiin CIA da mareykanka oo ay tababaraan maleessiyaadka ashahaado ladirirka murtadiinta Soomaaliya,ma ahan CIA oo kaliya balse waxaa xalane kajira shirkado kor udhaafaya 30 sida u tarsan
”Gudoomiya gobolka banaadir ee kooxda ridada” sheegay oo mashaariic aan lala socodsiinin xitaa madaxda ridada halkaasi kawada iyadoo dowladda faransiiskana ay qeyb katahay taa oo kamid ah dowladaha tababarka meleteri siiya kufaarta afrikaanta kuna jirta wadamada ugu horeeyay ee muujiya islaam naceybka kadib markii dhawaanahan ay dalkeeda kamamnuucday xirashada Niqaabka oo ay isku asturaan haweenka muslimaatka ah.
Saraakiisha Mujaahidiinta Alshabaab ayaa horay uga digay hay’adaha gaalada ee lasocda kufaarta afrikaanta kuwaasoo Muqdisho uyimid ahdaaf ay ugu horeyso gumaadka Muslimiinta,dhisida kaniisado ,Baabi’inta goobaha cibaadada,iyo Ciqaabida dadka ay kamuuqato sunada nabi Muxamed SCW.
Resource link Warbixintii Joornaalka Nation http://www.thenation.com/article/161936/cias-secret-sites-somalia
http://news.yahoo.com/cia-using-secret-somalia-facility-prison-report-010629187.htm

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...