Sunday 17 July 2011

DEG DEG: Madaxda Dowladda oo kulan u socda iyo Shariif Xasan oo ku booday asxaabtiisa

Kulan xasaasi ah ayaa haatan xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya waxaa haatan uu ugu socdaa Madaxda ugu sareysa Dowladda KMG, iyadoo kulanka yahay mid albaabada u xiran oo Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra'iisul Wasaaraha ka leeyihiin soo magacaabida Golaha Wasiirada.

Sida ay sheegayaan wararka Madaxda Dowladda ayaa waxooga isu soo dhowaansho laga dareemay, kadib markii ay isku afgarteen inta badan waxyaabihii ay isku hayeen ee ahaa xubnaha Wasiirada, waxaana kulankan la sheegay inuu horu dhac u sii yahay Munaasabad la filayo in saacadaha soo socda loogu dhawaaqo Golaha Wasiirada.

Isu soo dhowaanshahan ayaa timid kadib markii uu is casilay Wasiirka Maaliyada oo ahaa xilka uu Shariif Xasan aad ugu dhegnaa, waxaana la sheegay in xilkaas Shariifka loo madax banaaneeyay, isla markaana uu u rabo nin ka soo jeeda Beesha Mareexaan oo aan Muqdisho ku sugneyn.

Wararka ayaa intaa ku daraya in xubnaha Golaha Wasiirada ee la filayo ay qaarkood yihiin kuwo cusub, gaar ahaan Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa shaqsiyaadka uu wato durbaba lagu arkay inay kuwo cusub ku jiraan, taasoo keentay inay ka caroodaan Asxaabtiisii aadka ugu ololeyneysay.

Shariifka ayaa ku booday Xubnaha la hadal hayay in dhinaciisa ka imaan doonaan, waxaana shaqsi walba uu waaga saaka ugu baryay, kadib markii la arkay liiska Shariif Xasan oo xubno cusub oo aan aheyn kuwii asxaabtiisa ahaa ku jira.

Wararka xanta ah ee laga helayo Madaxtooyada ayaa sheegaya in xubno ay ka mid yihiin Mustaf Dhuxulow, C/raxmaan C/shakuur, Cabdi Qeybdiid, Indha Cadde, Yuusuf Geelle Ugaas, Maxamed C/llaahi Sanbaloonshe, Fowziyo, Khaalid Cumar Cali, Madoobe Nuunow, C/raxmaan Dheere, Ibbi, Jurile iyo C/rashiid Cirro, kuwaasoo aad uga carooday.

Warar ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xubnaha lagu boobay ay sheegeen in Shariif Xasan uu balanta ugu baxay.

Guux weyn ayaa ka socda Madaxtooyada oo ku aadan hadal heynta arrintan cusub soo korortay iyo ragga daadku qaaday, oo lama filaan ku noqotay Jarta uu Shariif Xasan uu u degay, kaasoo inta badan xubnaha dhankiisa ka imaanaya ku soo biiriyay kuwo wajiyo cusub ah, wax

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa la sheegay in xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha uu u wado Nin uu adeer u yahay Macalin Maxamuud Sheekh Xasan, waxaana taasi keentay in rajada uu lahaa C/raxmaan C/shakuur ay meesha ka baxdo, sidoo kalena xilkaas labada shaqsi ee ugu dambeyn isugu soo haray ay ahaayeen Axmed Cabdisalaan iyo ninka uu adeerka u yahay Macalin Maxamuud oo aan inoo suura gelin inaan magaciisa helno, kaasoo ay u badan tahay in xilkaas uu ka geeriyootay C/shakuur Sheekh Xasan uu ku fariisto booskii adeerkiis.

Kulamada socda ayaa waxaa la leeyahay in Madaxda Dowladda ay ugu dambeyn ku jeex jeexi doonaan in durba lagu dhawaaqo saacadaha dhow magacyada Golaha Wasiirada oo qaarkood horay diyaar u ahaayeen.

La soco wixii ku soo kordha.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...