Sunday 17 July 2011

Gudoomiye Tarzan "Howl galada Amniga lagu sugayo waa bilowdeen iyo askariga hubka waa xarig"

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarzan ayaa ka dhawaajiyay inuu dib u bilaaban doono howl galada dhinaca Ammaanka lagu sugayay, loogana hortagayay askarta sida sharci darada hubka ugu dhex wadata Xaafadaha, kadib markii maalmahan ay soo bateen askarta qoryaha kula wareegeysa oo qeyb ka noqotay ammaan darida.

Tarzan oo la hadlay Warbaahinta Muqdisho qaarkeed ayaa qiray in habacsanaan ay galeen howl galadii dhinaca ammaanka, kuwaasoo sabab uga dhigay arrimo uusan qayixin, hase ahaatee waxaa uu tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay inay dib u bilaabaan.

"Howl galadaas waa bilaaban doonaan, waana lagama maarmaan, waxaan u sheegayaa sida Gudiga Amniga qaranka u dajiyeen ayay u socon doonaan"ayuu yiri Tarzan oo xusay in askarigii lagu arka isagoo hub ku dhex wata Magaalada Maxkamad la soo taagi doono.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir si loo suga ammaanka meelaha bulshada isugu timaado ay waajib tahay in Ciidamada ay ka hortagaan falal kasta, isagoo u digay kuwa dareyska Ciidamada ku labisan ee qoryaha kula laafyoonaya xaafadaha.

Hadalka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa imaanaya xilli maalmahan ay soo bateen falalka amni darada ay ku lug lahaayeen Ciidamada Dowladda oo hub ku dhex watay xaafadaha, iyadoo taas keentay markii Xukuumadii Farmaajo oo arrimahan si weyn wax uga qabatay ay is casishay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...