Sunday 17 July 2011

Faroole: “Shacabka yaysan xornimo ka sugin Burundi iyo Uganda”



Garoowe: (Sh. M. Network) Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole oo hadal ka jeedinayay Munaasabad lagu magacaabayay guddiga doorashooyinka ee Maamulkaasi oo ka dhacday Magaalada Garoowe ayaa waxaa uu mar kale ka hadlay shirka wadatashiga Soomaaliya ee lagu qabanayo dalka.

C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole ayaa waxaa uu sheegay in shirka ay qaban qaabinayso Qaramada Midoobay aan lagu qaban karin Magaalada Muqdisho taasi oo uu u sababeeyay awoodda dowladda oo yar, Muqdisho oo aan ahayn sidii hore dadkana aysan wada dagneyn, Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo uu sheegay inaysan dhafi la’yihiin meelo cayiman oo dowladdu ay gacanta ku hayso.

Madaxweynaha Puntland ayaa arimahaasi oo uu sheegay inay ka jiraan Magalada Muqdisho darteed waxa uu tilmaamay inay ay filayaan in shirka wadatashiga ah lagu qabto deegaanada Puntland, isagoo shaaca ka qaaday in cidii taageersan arintaasi ay soo dhawaynayaan, cidii kale ee kasoo horjeesatana ay u arkayaan dad fidno wadayaal ah sida uu hadalka u dhigay.

Mar uu soo hadal qaaday coladaha ka jira dalka Soomaaliya ayaa Madaxweyne Faroole waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in Umadda Soomaaliyeed aysan cuqdad isku qaadin iskana iloobaan wixii horey u dhacay, waxaana uu meesha kasaaray in laka sooco dadka Soomaaliyeed ee ku sugan  deegaanada Puntland kuwaasi oo uu tilmaamay  in deegaanadaasi ay si nabad ah ugu noolyihiin.

Mr.Faroole ayaa waxa uu sheegay in inta badan gobolada Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ay gacanta ku hayaan waxa uu ku sheegay cadow uusan carabaabin kuwaasi oo uu sheegay in dadka ay u diideen xuquuqdii siyaasadeed iyo midda nololeed, wuxuuna ku booriyay shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan sidii ay isaga dhicin lahaayeen dadka uu tibaaxay inay dhibaato ku hayaan islamarkaana aysan ku tashan dowladaha Uganda iyo Burundi.


Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...