Sunday 17 July 2011

Shariif iyo Wasiiro la sheegay inay lunsadeen lacago lagu taageeray---



Muqdisho: (Sh. M. Network) Golaha Atlantic-kada dalka Maraykanka ayaa sheegay in Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wasiiro ka tirsanaa Xukuumadii Farmaajo ay lunsadeen dhaqaalo lagu taageeray dowladda.

Warbixin uu diyaariyay Xafiiska Golaha Atlantic-kada ee dalka Maraykanka ayaa waxaa shaaca looga qaaday in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay musuq maasuqday islamarkaana qayaano ay ku samaysay aduun lacageed oo gaaraysay $ 75,600,000 oo dollar-ka Maraykanka ah taasi oo sida la sheegay ay beesha Caalamka ku taageertay dowladda Soomaaliya.

Sida lagu xusay Warbixintaan oo laga hor aqriyay Aqalka Wakiilada ee looga arimiyo dalka Maraykanka ayaa Mas’uuliyiinta iyo Golaha Atlantic-kada dalka Maraykanka waxaa ay sheegeen inay hayeen warbixin cad oo tixraacna ah u ah Dikumintiyada dowladda KMG ah ee sanadihii 2009-ka ilaa 2010-ka taasi oo cadaynaysay in lacago gar-gaar ahaa oo lagu taageeray dowladda KMG ah oo cadadkeeda lagu sheegay $ 75,600,000 ay lunsatay dowladda KMG oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed. 

Warbixinta ayaa waxaa intaasi lagu daray in kaliya 2,875,000 oo lacagtaasi ka mid ah lagu xisaabtay halka ay ku baxday, waxaana sida warbixinta lagu sheegay si fudud loo xaday lacag kor u dhaafaysa 70-Milyan oo dollar-ka Maraykanka ah oo ka mid aheyd lacagtaasi.

Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay inay socdaan baaritaano lagu samaynayo Xafiiska Madaxweynaha dowladda KMG ah, Xafiiska Ra’iisul wasaarihii Xukuumaddii dhacday, Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda iyo Xafiiska Wasaaradda Isgaarsiinta iyo qeybo kale oo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.

Waxaan idin balan qaadaynaa warbixinta oo dheer in aan idin soo gudbino hadii Alle idmo

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...