Sunday 17 July 2011

Madaxda DKMG oo isku mari la’a magacaabista Golaha Wasiirada



Muqdisho: (Sh. M. Network) Sadaxda Mas’uul ee ugu sareysa dowladda KMG Soomaaliya ayaa isku mari la’a magacaabista Golaha Wasiirada ee Xukuumadda KMG ah, iyadoo dhinaca kale uu fashil ku dhamaaday kulamo ay yeesheen Madaxdaasi.

Iyadoo maalmo kooban ay ka harsantahay waqtigii loo qabtay Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG in uu kusoo magacaabo Golo Wasiiro oo tayo leh sida uu dhigayo heshiiskii Kampala ayaa warar hoose oo soo baxaya waxaa ay sheegayaan in Madaxda sar sare ee dowladda KMG ah ay isku khilaafsan yihiin soo magacaabista Wasiirada cusub ee Xukuumadda.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Ra’iisul wasaare C/wali Max’ed Cali uu doonayo in loo madaxbanaaneeyo soo magacaabista Golaha Wasiirada oo la sheegay in tiro ahaan uu doonayo in uu ka dhigo 18-Wasaaradood oo u badan Wasiirada hore ee Xukuumadii Farmaajo taasi oo uu la tilmaamay in uu ku raacsanyahay Madaxweyne Sheekh Shariif uuna kasoo horjeedo gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Gudoomiyaha barlamanka ayaa ilo ku dhow dhow waxaa ay Idaacadda Shabelle u sheegeen in uu doonayo in loo magacaabo Wasaaradaha Maaliyadda, Arimaha gudaha iyo kuwa kale oo muhiim u ah xubno dhankiisa ka socda, iyaoo la sheegay in Shariif Xasan uu kasoo horjeestay in in dhankiisa la mariyo Wasaaradda Gaashaandhiga.

Ilaha ayaa waxaa ay sidoo kale sheegeen in Madaxweyanaha dowladda KMG Soomaaliya uu diidan yahay fulintii heshiiskii lagu gaaray Magaalada Kampala ee Xarunta dalka Uganda, waxaana mar ay Shabelle waydiisay sababtaasi ay ka gaabsadeen inay bixiyaan faah faahin intasi ka badan.

Habeen hore ilaa maalinta shalay ayaa waxaa jiray kulamo looga hadlayay soo magacaabista Xukuumadda cusub oo u dhaxeeyay Madaxweynaha, gudoomiyaha balamanka iyo Ra’iisul wasaaraha kaasi oo uu ka carooday Ra’iisul wasaaraha oo isaga ka baxay kulankaasi kadib markii sida la sheegay ay isku fahmi waayeen shirkaasi.

Warar si sir ah ay u heshay Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa waxaa ay tibaaxayaan in la qorshaynayo in tirada Wasaaradaha Xukuumada laga dhigo 18- ama 23- kuwaasi oo lagu wado in lag dhawaaqo ka hor inta aysan dhamaan waqtiga 30-ka cisho ee loo qabtay Ra’iisul wasaarha in uu kusoo dhiso Xukuumaddiisa xili maalmihii u dambeeyay dib u dhac uu ku yimaaday magacaabista Golaha Wasiirada cusub oo mararbadan Saxaafadda oo ka qeyb gashay aysan suuro galin.

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...