Thursday 14 July 2011

Ontonio Guterres: “Janan” Indhocadde iyo “Janan” Dhegabadan Koodee Xarunta UN-ka Bililiqeystay? Ugu Yaraan Shabaabku ma Yaqaannaan Bililiqo!

Somalimidnimo.com:- Iyadoo dadkii gaajo u dhimanayaan baa la arkay iyadoo la leeyahay xafiiskii raashin u yaalay UN-ka Xaafadda Hodan baa la jabsaday! Waxaa la sheegay waxa wax bililiqeysanayey waxaa u horreeyey “ciidanka dowladda!”
Tuug intaadan tuug oran buu ku yiraahdaa tuug! Indhocadde oo meesha ciidan u joogay baa gartay haddii labo eray la xuso – boob iyo bililiqo- in isagu noqotayo qofka ugu horreeya ee la tuhmo laakiin wuxuu idaacadaha ka sheegay inuu beri ka yahay laakiin ciidanka waxa dhacay yihiin kuwa dowladda ee Dhego-badan hoos yimaadda!
Shakiga waxaa keenay Indhcadde oo yiri: Shabaab keligay baa iskala dagaali jiray marka hadda lacag ma heysto marka waan iska fariisanayaa! Waxaa la is weydiiyey inuu ciribta ku sii dhuftay bakhaarkaas!

UNHCR iyo Soomaalida

Runtii Shabaabku waxay tuseen in Beesha Gaaladu rabtay inay ummadda gaajo u disho! Marka hore waddamada Qarbigu waa diideen in hal doolar ay Qurbojoogta Soomaalidu u diraan Hay’adaha Gargaarka ee Shabaabku aas aasay! Labo, UN-ku wax u tari waaye dadkii ku tabaaleysaa  ee Somaliland, Puntland, GalMudug, Ximan & Xeeb iyo meelaha Qabuurogaleenku ka taliyaan ku nool!
Qof kasta waa ogyahay in gargaarka noocaas ah, binu Aadamku isku leeyahay. Qureysh markii abaari ku dhacday oo nabaddoon Thumaamah binu Athaal oo muslimay ku yiri Qureysh: hal koombo oo qamadi ah idiin ka imaanmeyso Yamaamah ilaa Nabi Muxamed (SCW) idiin fasaxo. Qureysh oo Mushrikiin ah waxay warqad u direen Nabi Muxamed (SCW) iyagoo yiri: qaraabada darteed nagala hadal Thumaamah. Nabiguna (SCW) waa ka yeelay.
Haddaba waxa reer Galbeedku sameeyeen waa la-yaab! Dumar Soomaaliyeed baa loo xirxiray maxaad lacag ugu direysaan Ceelasha Biyaha dadka ku tabaaleysan! Waa arrin la wada ogyahay! Meeday binu Aadamnimadu?!
Horta hadafka ugu weyn ee Beesha Gaaladu rabtay waxay ahayd inay shacabka iyo Shabaabka isku diraan! Shacabku markuu arkay meelihii aan Shabaabku xukumin oo ka daran meelaha Shabaabka bay arrintii garteen.
Waxaa ka daran, Shabaabku waxay guteen shaqo aan Soomaaliya looga baran! Markii abaartu u darnnay baa Kenya, Itoobiya, iyo Amisom soo qaadeen dagaalkii ugu weynaa!
Calaal kulli xaal, Beesha Gaaladu iyagaa hadda gartay in hadday dadka saas u cuna qabateeyaan in laga yaabo inay in badan socoto; inta soo hartana gartaan cadowgooda koowaad! Sida saxaafadda qaarkeed qortay: in markii abaartu ugu darneyd; Maraykanku lahaa: waxaan Amisom siinnayaa diyaaradaha is-wada si loo laayo Soomaalida! Museveni baa saacaddan ku haya: na siiya diyaarado aan ku leynno Soomaalida. Sidoo kale Salaad Cali Jeelle iyo Xiddig baa waxaas ku hadaaqaya.
Marka hadda gaalada waa aragtay inaan Indhocadde iyo Dhegobadan lagu aamin karin koombo sareen ah. Marka Beesha Gaaladu waxba yeysan wax na siine; ma qaadi karaan cunaqabataynta ay saareen Wilaayooyinka? Faraha ma kala bixi karaan in Qurbo jooogta Sommaalidu si toos ah u caawiyaan dadka ku tabaaleysan Soomaaliya?
WALLAAHI haddii reer Galbeedku fasaxo in Qurbojoogta Soomaalidu si toos ah u caawiyaan dadkooda waxay sameyn karaan mid ka faa’iido badan waxay la ordayaan. Waxaad arkaysaa kuwa wadaaddo sheegta oo ka baqaya inay boqol doolar u diraan abaaraha oo ku leh: waa la isoo dabogalayaa!
Kollay markii Mark Bowden, Ontonio Guterres iyo Saado Cali tageen Xeryaha Qaxootiyaasha ee Dhadhaab baa la arkay wadaaddo leh: iyaguna dadkay caawinayaan! Wadaaddadu soow Kenya ma joogin? Mise Galbeedkay ka yimaadeen? Marka taariikh baa qormeysa laakiin waa arkeen gaalo hadday rabaan inay wax uun bixiyaan cidda loo dhiibi karo inaysan ahayn Indhocadde, Xiddig, iyo Dhegobadan!

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...