Saturday 16 July 2011

Xaalad cakiran oo ka taagan magacaabista Golaha Wasiirada iyo Madaxda Dowladda oo isku mari la'a (Xanta Hoose)

Xaalad cakiran ayaa wali ka taagan magacaabista Golaha Wasiirada Soomaaliya, xilli galabta ay mar kale dib u dhacday ku dhawaaqista Golaha Wasiirada, iyadoo Madaxda Dowladda ay xilligan isku mari la'yihiin qaabka lagu saleynayo Golaha Wasiirada, kadib markii ay soo baxeen wasaarado la isku hayay iyo Liisas hoose oo la kala watay.

Inkastoo maalmihii u dambeeyay ay is qab qabsi dhinaca beelaha ay ka jirtay xubnaha lagu qeybsanayo Golaha Wasiirada ayaa hadana waxaa mar kale soo ifbaxday is mari waa dhanka Wasaaradaha ah oo madaxda Dowladda dhexdooda ah, kuwaasoo aad ugu kala boodsan shaqsiyaadka qaar ee ka mid noqonaya Golaha Wasiirada.

Kulan tan iyo saaka ilaa galabta ay wada lahaayeen Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa mar ku sigtay inuu fashilmay, waxaana ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada ay sheegeen in kulankaas uu mar ka soo baxay Ra'iisul Wasaaraha, hase ahaatee dib markii dambe ugu laabtay.

Xaalada ayaa sii cakirantay, kadib markii Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan uu ku adkeystay Wasaarada Maaliyada in dib loogu soo celiyo Digil iyo Mirifle, halka wasaarada Gaashaandhiga Beesha Daarood qaadato, taasoo horay labada dhinac la isku dhaafiyay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ra'iisul Wasaare Dr. C/wali Gaas uu mar ku hanjabay hadii aan loo madax banaaneyn magacaabista Golaha Wasiirada uu is casilayo, isla markaana uu isaga goob joog ka ahaa heshiiskii Kampala, hadii aan la xurmeyna uu dib ugu laabanayo heshiiskaas sida ilo wareedyo ay u xaqiijiyeen Shabakada Jowhar.com.

Madaxda Dowladda ayaa markii hore isku hayay qaabka lagu saleynayo Golaha Wasiirada, hase ahaatee ugu dambeyn la isla gartay inuu ahaado sidiisii hore.

Warar isku dhow oo ka soo baxaya kulankii ilaa galabta soo gaaray Madaxda Dowladda ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane oo ahaa ninka booskiisa muranka ka taagnaa uu soo gudbiyay warqad istiqaalo ah, taasoo keentay in arrinta ay waxoogaa qafiifiso.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa wata shaqsiyaad muhiim ah oo ku dhow dhow isaga, kuwaasoo ahaa kuwo isaga lagu xaman jiray waligiis, waxaana la hadal hayaa in Golaha Wasiirada uu ku yeelan doono saddex xubnood, hase ahaatee si dhab ah looma oga, laakiin waxaa muuqata in nin lagu magacaabo Maxamed Rashiid uu u rabo xilka uu maalmahan aadka uga dhagnaa Wasiirka Maaliyada.

Arrimaha kale ee aadka u muuqday ayaa ahaa in Labada dhinac waa Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ay arrintooda ku muujinayeen hab awood qeybsi iyo shaqsiyaad ay kala wateen, hase ahaatee Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa arrimahaas aad isugu dhowaa.

Madaxtooyada ayaa waxaa wali ka socda shirar gaar gaar ah, taasoo xaalada ay ka dhigtay mid xasaasi ah, waxaana cid walba ay tahay mid dhegta u taban oo waxa ka socda Madaxtooyada ay dhagaha u raaricineyso, waxaase la ogeyn sida wax walba isu bedeli karaan, iyadoo suura gal tahay in wal walba mar kasta ay is bedelaan.

Qaab dhismeedka Golaha Wasiirada iyo hadal heyno horay u soo baxayay ayaa ahaa mid mararka qaar is bedelayay, iyadoo warar horay u jiray ay ahaayeen inay dib u soo laaban doonaan inta badan Wasiiradii hore, ha yeeshee wax badan ay hada is bedeleen.

Xafiiska Jowhar.com Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...