Saturday 16 July 2011

Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka oo ka digay in shirka wada tashiga lagu qabto Magaalada Garowe

 Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka digay in shirka wada tashiga Arrimaha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey qaban qaabineyso lagu qabto Magaalada Nairobi, xilli Maamulka Puntland uu dadaal xoogan ugu jiro sidii loogu qaban lahaa shirkaas deegaanadooda.

Kulan ay maanta ku qaateen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa kulankooda waxay kaga soo saareen qodobo dhowr ah oo ay uga hadleen sida ay u diidan yihiin shirkaas laga weeciyo Caasimada Muqdisho.

Xildhibaan Maxamuud Geeddi Ow-Hillowle oo ka mid ah Mudanayaasha ka qeyb galay kulankaas oo markii uu soo gaba gaboobay saxaafada la hadlay waxaa uu sheegay inay ka digayaan in shirkaas lagu qabto Magaalada Garowe.

"Waxaan ka digeynaa in shirkaas lagu qabto Magaalada Garowe oo laga weeciyo Caasimadii Soomaaliyed"ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud Geeddi Ow-Hillowle oo wariyeyaasha la hadlay.

Maalmihii u dambeeyay ayaa Maamulka Puntland waxaa uu waday dadaalo ballaaran oo uu ku doonayay sidii shirkaaas loogu qaban lahaa Magaalada Garowe, iyadoo damacaas uu ka dhawaajiyay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...