Wednesday 20 April 2011

Dagaalo culus oo saaka Shabaab iyo Ciidamada Dowladda ku dhex maray deegaano ka tirsan Ceel-Waaq

Dagaalo culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda KMG iyo Xarakada Alshabaab ayaa saaka ka dhacay deegaano ka tirsan degmada Ceel-Waaq ee Gobolka Gedo, iyadoo dagaaladaas warar kala duwan ay ka soo baxayaan ilaa iyo iminka.

Sida ay sheegayana wararka Xoogaga Alshabaab oo qaaday dagaaladaas ayaa sheegay in dhowr jiho ay ka wareereen Talis Ciidamada Dowladda ku lahaayeen deegaano u dhow dhow Ceel-Waaq.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalka oo ahaa mid saameyntiisa si aad ah looga dareemay qeybo ka mid ah Gobolka Gedo, ayaa ahaa mid mudooyinkan ay diyaarinayeen Shabaab, kadib dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo abaabulo ay ka wadeen deegaano ka tirsan Gobolkaas, kadib Gurmadyo ugu yimid Jubooyinka iyo Bay iyo Bakool.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn qasaaraha uu geystay dagaalka, ayaa hadana waxaa jira sheegashooyin iska soo horjeeda oo labada dhinac ay ku sheegayaan guulo, laakiin ma jirto warar si rasmi ugu soo kala baxay labada dhinac.

Mudooyinkii u dambeeyay ayaa deegaano ka tirsan Gobolka Gedo, waxaa ka jiray dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo abaabulo dagaal ay ka wadeen dhinacyada isku haya halkaas, waxaana deegaano ka tirsan Gobolkaas gacantooda ka baxday Xarakada Alshabaab.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe



Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...