Jabuuti (RBC) Waxaa heer gabagabo ah maraya ololaha doorashada madaxtinimada ee wadanka Jabuuti taasoo la filayo in maalinta Jimcaha ee 8-da bisha loo dareero guud ahaan wadanka.Doorashadan oo ay ku tartamayaan labada musharax ee kala ah Issmaaciil Cumar Geelle oo ah madaxweynaha hadda xilka haya iyo Maxamed Warsame Raage oo ah musharaxa madax bannaan ayaa la rajeynayaa in guud ahaan ay qabsoonto Jimcaha fooda inagu soo haya, waxaana si weyn loo dareemayaa diyaargarow ku aadan doorashada.
Guddiga doorashada wadanka Jabuuti ayaa shaaciyey in dad ka badan 150-kun oo diiwaangashan ay ka qeybgalayaan codeynta iyadoo guddigu sheegay in la rajeynayo dad fara badan inay codkooda dhiibtaan oo ay fursad u heli doonaan.
Musharaxiinta labada ah ayaa ku guda jira gabagabada ololaha doorashada waxayna khudbado iyo barnaamijyo ka wadaan guud ahaan gobolada kala duwan ee Jabuuti.
Wasaarada arimaha gudaha ayaa sheegtay in amniga uu fiican yahay oo aysan jirin wax dhibaato ah oo hadda jirta isla markaana ciidamada boolisku ay hawl adag qaban doonaan dhowrka maalmood ee soo aadan.Sii Akhri
No comments:
Post a Comment