Written by Administrator Sunday, 17 July 2011 08:02
Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa dagaallo iyo duqeymo xalay ka dhacay duleedka degmada Beled Xaawo iyo wilaayada Gedo.Kadib markii ay ciidamada mujaahidiinta lawareegeen degmada ayna xabsiga kasii daayeen maxaabiis ku xiraa gudaha ayay si nabad gelyo ah mujaahidiintu dib ugasoo gurteen degmada.
Hubkii ugu badnaa ayay mujaahidiinta Soomaaliya saaka kasoo daldasheen Beled Xaawo markii ay u dheceen saldhig ay maleeshiyaadka Mushrikiinta ah duleedka degmada ku lahaayeen.
Saraakiil katirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegay in qorshihii dagaalka uu kusoo gaba gaboobay sidii loogu talagalay.
Beled Xaawo,Luuq,Garbahaarey iyo Ceelwaaq waxaa mar walba ka dhaca dagallo u dhexeeya mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka dabadhilifyada ah ee kala taabacsan Kenya iyo Itoobiya.
No comments:
Post a Comment