Sunday 17 July 2011

Maleeshiyaadka DKMG ah oo Lacag adag ka dhacay Shirkadda Xawaaladda Amal ee X/weyne.


somalimemo.netMaleeshiyaad katirsan DKMG ah ayaa maanta dhac baahsan ugeystay qaar katirsan shirkadaha ganacsiga magaalada Muqdisho arrinkaasi oo qeyb ka ah falalka burcadnimo oo ay DKMG ah ku heyso shacabka Muslimka Soomaaliya.

Maanta duhurkii ayay maleeshiyaadka DKMG ah oo wata gaari dagaal weerar ku qaadeen xarunta Shirkadda Xawaaladda Amal Express degmada X/weyne kadibna waxay qaateen dhamaan wixii hanti ahaa ee yiilay shirkadda.

Mid kamida Howlwadeenada shirkadda Xawaaladda Amal Express ayaa Wakaaladda SomaliMeMo u sheegay in maleeshiyaad hubeysan ay latageen lacago Dollar adag ah balse aysan hayn cid ay u raacdaan.

Madaxii ugu sareeyay Amal X/weyne ayay maleeshiyaadka Burcadda ah jirdil xun ugeysteen, degmada X/weyne waxaa falal amaan wado ka wada maleeshiyaad horor ah oo caadeystay dilalka ahlu Towxiidka iyo dhaca hantida shacabka.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...