| | |
| Written by Administrator |
| Sunday, 17 July 2011 14:51 |
![]() Rabbi ha u naxariistee Halyeeyad Timiro Cukaashe Guulleed ayaa ku dhimnatay dalka Ingriiska, Timiro ayaa cimrigeedu kor u dhaafeyey 90 sano, waxayna xubin fir-fircoon ka ahayd halgamayaashii SYL ee dhibaatada usoo maray Wadankeena Soomaaliya xiligii guumaysigu ka jiray dalka.Weriyaal ka tirsan Warbaahinta Horseed Media ayey u suurta gashey in ay la kulmaan Timiro Cukaash, mar ay soo gaartey sanadkii hore magaalada Boosaaso waxayna uga warbixisay dhibaatooyinka ay kala kulantay guumaystayaasha,dareenkeeda burburka,doorka haweenku ay ku lahaayeen halganka Soomaaliyeed iyo rajada mustaqbalka.Mar ay ka hadashay dhibaatooyinka ay usoo mareen xorrnimada dalka ayaa kuwa dareenka gaarka ah lahaa waxaa ka mid ahaa:
Halyeeyad Timiro ayaa sheegtay in 90-sano ka dib ay aad ula yaabtay Soomaali is dilaysa,waxayna xustay in xorrnimada ay wadanka u galeen abaalkeeda uu salka dhigay in ay hoos galaan Cadaan.Intii ay noo warameysay Timiro oo wadanimo la gaamurtay ayaa markasta waxaa afkeeda kasoo baxaysay”Soomaaliya ha noolaato,Puntland ha noolaato”malahayaga wadanimada ka muuqatay haweenaydaasi,mar ayaan is weydiinay Soomaalidu ma sidaan ayey wadaniyiin u ahaan jireen…?Dhamaan Bahda Horseed-Media,Shacabkamedia iyo Bahda-Beyra , waxa ay tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan u dirayaan qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxdey Marxuumadd Timiro CukaashShacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono |




No comments:
Post a Comment