Monday 4 July 2011

Sheekh Bashiir Salaad muxuu Soomaalida Dhegtuur ku Dagaalaysa u kala Dhexgali Waayey intuu Qardho la Taagan yahay Muxaadarooyinka

Somalimidnimo.com:- Wadaaddada qaarkood waxaa ka soo haray inay taagan yihiin  Qurbe ama magaalo Qaboow! Waa laga kari waayey inay dadka dhexgalaan oo kala ceshaan! Miyaan Muxaadarooyinka Bashiir Salaad ka akhrinayo Hargeysa, Burco, Garoowe, Qardho, iyo Boosaaso u baahneyn in wax laga siiyo Cadaado iyo Hobyo? Maxaa urisada u saaray wadaadka deegaankuu ka soo jeedo?!
Marka sheekh Bashiir Salaad iyo wadaaddo uu ku jiro ka iclaamiyeen Mu’tamar magaalada Qardho waxaa dagaal beeleed oo xoolo-dhaqato ku saabsan ka socdaa Mudug iyo  Galgaduud. Soow ma ahayn hadduu dad wax u sheegayo inuu reer guuraagaas kala dhex galo? Laakiin wuxuu doortay Somaliland, Puntland, iyo Kenya!
Weligiin ma aragteen sheekh C/Qaadir Nuur Faarax iyo Fu’aad Afloow oo Cadaado, Hobyo, Wisil, iyo Xarardheere ka muxaadareynaya? Waa sida Faroole ugu qabtay cayaaraha gobollada oo waxay rabaan inay dadka tusaan inaan Cadaado iyo Hobyo nabad ahayn oon laga muxaadareyn karin!
Soow meeshii dhib ka jiro uma baahna in loo badiyo Muxaadarooyinka oo la xasuusiyo Ilaah iyo Maalinka Qiyaame? Ictisaamku waxay arkaan iyo meelaha nabadda ah lagula warwareego muxaadarooyinka? Suubbanuhu (SCW) wuxuu u degdegi jiray inuu kala dhexgalo qabiillooyinka xurguftu soo kala dhex gasho!
Labo sano ku dhowaad ka hor sida Dhegtuur la iskugu leynayo baa dad Soomaaliyeed isku leynayeen Ceelbaraf, Wanlaweyn, xudduudka Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan. Mararka qaarkood iyadoo Ramaddaan tahay baa masaajidda la isku leynayey laakiin Xarakada Shabaabul Mujaahidiin markay degaannadaas tageen baa Ilaahay u yasiray inay kala dhex galaan beelahaas! Waxa Ilaahay ugu sahlay Shabaabka ma aha Muxaadaro iyo kalmad keliya ee waxay isticmaalayaan awood haddii loo baahdo! Waa sida la rabo in labada dhinacba la istaago!
Ictisaamku waxay hayaan wixii sheekh Bashiir Togdheer ka digay! Waxaad mooddaa in sheekhu  la hadlayey wadaaddo Ictisaamka oo kale ah oo markuu Iraajooga la yaabay ku yiri inta koob dhex dhigay ku jabiya diin-akhris iyo Muxaadaro! Markay isku dayeen oo koobkii jabi waayey buu inta ul bud ah qaatay oo bisinka u qabtay wuxuu kala jabshay bakeerigii! Wuxuu sheekhu yiri: waxa loo baahan in kalmadda iyo ficilka la isku daro!
Bal inta sheekh Bashiir Salaad iyo qolyaha Qardha ka muxaadareynaya hadal iyo war soo saaraan ha ku kala qaboojiyaan Soomaalidaas dad iskugu xiga oo is leyneysa!
Somalimidnimo.com oo wax ka beddeshay erayo horay loo yiri baa iyagoo Ictisaamka la yaabay; dhinaca kalana qiraya sida Shabaabku qabiilooyinka u kala cesheen bay dhaheen:
  • Ninkii quwad laa qabiillo nabdee
  • Muxuu hadal qiimo leeyahay?
Marka sida oday nabaddoon ah sheegay waxaa u fiican in Mujaahidiinta Shabaab kala dhexgalaan dadkaas iyagu dadka isu xiga ee isu leynaya si aan horay loo arag. Sidoo kalana waxaa loo sheegayaa labadaas qabiil intaad sanad kasta iska layn lahaydeen  intaas oo qof  soow lama gaarin markii loo hogaansami lahaa Shareecada Islaamka? Waxay Shareecadu qabatay waxay u caddahay sida qorraxda. Soow Ilaahay gacanta Shabaab kuma kala qaboojin Abgaalkii isku leynayay Ceelbaraf? Xawaadlihii iyo Abgaalkii isku leynayay Shabeellaha Hoose iyo Hiiraan? Garrihii iyo Gaaljecelkii isku leynayey Wanlaweyn? Digil iyo Mirif iyo Marreexaankii isku leynayey Baay iyo Gedo? Qolyihiin isku leynayey Jubbooyinka? Marka inta caqligu shaqeeyo waxaa wax guda waa Shabaabe inta laga tago wadaaddada hadalka ka soo haray; haloo hogaansamo Shareecada Islaamka.
Wadaad Maxamed Idiris la yiraahdo baa Sabtidii iyo Axaddii ka lahaa Minnesota: iska ilooba Soomaaliya! Muqdisho ma jirto! Muxuu ka wadaa?  Ma waddanka haloo daayo Tigreega iyo Ammisom? Ka warrama cidda maqasha warka wadaadkaas oo tiraahda: yaan la kala dhex gelin dagaallada ka socda Dhegtuur iyo meelo kale?
Marka waxaas caqli maahee; aan u guntanno sidii Shareecada loo qaadan lahaa; loona nabdeyn lahaa shacabkeenna dhexdhiisa Insha Allaahu.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...