Monday 4 July 2011

Djibouti Ma Dubai Baa Mise Hindiyada Geeska Afrika?

06/21/00
By Bilal Hadi - Format for printing    
Talado, June 20, 2011
Intaan guda galin dulucda qoraalkan maanta, Djibouti waxaa la odhan jiray markay xorriyadda qaadatay 34 sano ka hor oo u madaxweynihii barigaa marxuun Gouled/AUN) hoggaanka dalka qabtay wuxuu hal ku dheg ka dhigtay Djibouti waa meel lagu kulmo waxna la isku waydarsado waxayna noqon doonta SINGAPOURTA geeska Afrika markii madaweyne Ismael(IOG) qabtay talada dalkana waxaa soo baxay eri bixin cusub oo ah Djibouti waa Dubayda geeska afrika! Hadabaa maxaa ka runoobay labadaa hammi? DUBAY iyo SINGAPOUR.
In ku dhow labaatan(20)sano oo aan qurba joog ahaa habeen iyo maalin midna ima dhaafin aanu Djibouti mugweyn suuqyadeedii riyo ku sulsulaaxi mooye riyadi iyo fadhi ku dhoofkii waxay ii rumawday markan maalin arbaca ah oo ay bishu tahay 15 sacaada geeska afrikana tahay 15h30 galabnimo ay diyaarad aan ka soo raacay magaalada Addis ee dalka Ethiopia ila soo caga dhigatay garonnka caalamiga ah ee Djibouti, markaan dhulka cagtaa soo saaray wixii aan samayn karay wuxuu ahaa in aan ciida dhunkado laakiin taas ma dhicin maxaa yeelay fulaynimo darteed waxaan ka baqay in ay labada jilbood iyo wajiga saantu igaa boodo hanfiga iyo raranka jira awgeed dhul aan dhunkado ha jooge waxaan ku sigtay in aan kursigii diyaarada ku laabto ka dib markaan is idhi biloo naftu ka baxday misana waan ku mitiday in aan gudaha horaa ee garoonka soo galo si aa uga raadsho in yar oo qaboow ah.
Ilbaabkii u horeeyey een arko waxaa ku qornaa meel ay dadka reer Djibouti ka gali karaan iyo mid loogu tala galay dadka shisheeyee waxaan isku miqiiqay aanu warbaa iska hayn ilbaabkii reer Djibouti oo markiiba si dhib yar dalkii u galay laakiin aniga waa la igaa reebay oo waxaa farta la igu fiiqay meel u yaal FORM dad shisheeyeena ay buux-buuxinayaan farxada iyo qiirada igu jirtay darteed ma sahlana in aan wada fahamay wixii la iga rabay oo xitaa ma garanayn adreesgii xaafadayaadii waayo dhulkii aan ku ogaa waxaaa laga guuray waa horaaba waan iska qarqaraafay meel iyo adrees aan hubin in u sax ahaa iyo in kale ka dibna waxaan galay meel xafiis ah oo ay askar joogeen pasportkii aan sitay waxaan u dhiibay mid ka mid ah askartii wuxuu dhan walba ka fiirshay wuxuu arkay meeshan ku dhashay oo ah tuulo yar oo ku taal gobolka shiniile ee dalka Ethiopia wuxuu igu yidhi isago ila kaftami ma reer hebelba tahay runtii wabaa reerkan ka dhashay oo sax ah cajiib waxaan ugu jawaabay oo miyay igu qoran tahay intu qoslay wuxuu yidhi mayaa laakiin reerka baa ku badan waxaan u maleeyey in u askariga laftarkiisu ahaan jiray reer shinille sida aano kale, intii kaftanku noo socday waxaan kor iyo hoosba u eegay xafiiska waxaan arkay sawirka madaxweyne IOG oo meel sare laga soo lulay qosalna dhoola cadayn wuxuu ahaa sawir qurxoon oo shaadh (chemise)weyn lagu muquuray sidii madaxweynihii dalkii la odhan jiray Zaire ee Mr MAPUTO SESEKO sawirka ka sokow xafiisku ma hayn mid ku soo jiida waayo wuxuu ahaa gidaar gabowbay iyo ilbaabo wada jajaban oo meelaha qaarkood ay caaro ku dhabatay oo xitaa ay halis ku jirto noolosha askarta ka dhex shaqayn sababto ah xadhkihii kooraanka ayay meel walba hawada muraaxadu(ventilateur) u balfinaysay sidii goob laga shaqayn ama (chantier) ah.
Intaa markan ku dhaafay xafiiski askarta ee aan dibada u baxay waxaa geesta bidixda iga qabtaay meel ay ku qoran tahay WESTERN UNION waan dhex galay si aan uga sarifto lacag yar oon isku dabari karo waxaan ugu galay wiil dhalin yaro ah wuxuu igu yidhi isago ka xun in ay lacagtii ka dhamaatay oo u sarif ahayn kolayba aanu ma filayn garoon caalami ah sida kan djibouti oo kale in ay arrinta ka dhacaysoo, caadiyaan waxaan ku qorna in aan imaado 19h30 habeenimo laakiin waxaan ka soo hor maray ila ku dhawaad 4 sacaadood waliba kasii daraan waxaan lumiyay booki ay igu qornaayeen mobile telefoonki walaalkay manaa aqaan meel aan kala hadli karoo, la hadal ha jooge ma haysto hal franc Djibouti ah oon isku dabaro marka waxaan ku qasbanahay in aan iska joogo ila caawa 19h30 fiidnimo waxaan guda galay dawaashada garoonka garoonku waa sidii aan ku ogaa wax dhismo cusub oo igaa dambeeyey labaadan sano kuma arag horumarka Djibouti lagu amaano kuma arkayn halkan marka la barbardhigu kii magaalada Addis ma jirin shaqaale sitay tirays u gaar leh, ma jirin dad ka shaqayn xaga nadaafada garoonka, wax ka yar 15mn waan soo dhameeyay dawashaday waxaan ku soo noqday gudaha garoonka si aan uga dhuunto kulaylka kulaylkii hadaan ka dhuuntay waxaan laga dhuuman karayn haraad oo waxaan u baahday cabitaan wax lacag ah oon wax ku iibsan karana ma sarifan arrintu markay halka iga maraysoo waxaan xasuustay murtidi soomaaliyeed ee odhanaysay tolka kuma gabee afkaagu yuu ku gabin garoonka waxaa ku yaal meel biirotaba ah(KIOS)oo ay ka shaqaynaayeen laba gabdhood intoon u tagey ayaan u hooda sheegtay si dhib yar oo isku galsooni ka muuqado illeen waa dumar iyo naxariis e waxay labaadi gabdhood igu yidhahdeen ma haysa teleefoonki aad ku lahayd Yurub?waxaan ku idhi Ha waxay soo garaaceen ila yurub ka dibna waxaan ka qortay telefoonkii walaalkay een haleeyey ka dibna waxay ii siiyeen wax la acabo iyo meel lagu nasto intaan sugaayey walaalkay naxariista gal gacalka iyo kartida gabdhaha reer Djibouti waa mid ka muuqada meel walba oo ay aduunka ka joogaan.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...