Monday 11 April 2011

Ahlu Sunna oo Qaadacday Shirka Nairobi, kuna Baaqday Kulan Wadatashi oo deg deg ah

Muqdisho (RBC) Ururka Ahlu Suna Wal Jameeca ayaa xaqiijiyey in si rasmi ah ay u qaadeceen shirka Nairobi lagu qabanayo ee uu martigalinayo ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Augustine Mahiga.
Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo ah gudoomiyaha maamulka Ahlu Suna ee gobolada dhexe oo hadda ku sugan degmada Xeraale ayaa u xaqiijiyey RBC Radio in ururkooda uusan ka qeybgali doonin shirka Nairobi.
Macalin Maxamuud wuxuu sheegay in sababta shirka ay u diideen ay tahay iyadoo aanu jirin wax ajende ah oo lasoo gaarsiiyey oo ku saabsan shirka sidaasi awgeedna ay go’aansadeen inaysan ka qeybgalin.
Wuxuu Macalin Maxamuud intaa ku daray in wadatashi ay la yeesheen DKMG ah iyo xubnaha sare ee Culimada Ahlu Suna ay isku raaceen in shirka aanu ku jirin wax dan Soomaaliyeed ah.
Wuxuu gudoomiyaha Ahlu Suna ee gobolada dhexe ugu baqay guud ahan qeybaha ururka Ahlu Sunna inay isugu yimaadaan shir uu ku tilmaamay inuu yahay deg deg kaasoo 14-ka bishan ka dhacaya degmada Caabudwaaq ayna yeelanayaan saraakiisha sare ee Ahlu Suna.
Wuxuu shirkaasi ku fasiray wadatashi ay yeelanayaan saraakiisha Ahlu Suna, sida uu RBC Radio u sheegay.
Diidmada Ahlu Suna ee shirka Nairobi ayaa soo baxday saacado kadib markii magaalooyinka Muqdisho, Garowe iyo Gaalkacyo ay ka dhoofeen wufuud ku siijeeda shirka oo ka socota barlamaanka KMG, Puntland iyo Galmudug.
Ahlu Suna oo loo arko urur qey ku leh dhaqdhaqaaqa siyaasada ee dalka ayaa ka mid ahaa dhinacyada shirka Nairibi lagu martiqaaday, waxayna Ahlu Suna ay lahaayeen 4 xubnood oo uga qeybgali lahaa shirka.
Waxayna diidmadan maanta uu ku dhawaaqay gudoomiyaha Ahlu Suna u muuqataa mid ay Ahlu Suna la wadaagto DKMG ah oo ay xukufo dhow yihiin.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...