Saturday 9 April 2011

Ayaan Maxamed Muuse ayaa ka cabaneysa gar iyo shaarbo kusoo badanaya,kana cabsi qabta inay dhumiso dareenkii naagnimadda )

PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Wednesday, 06 April 2011 22:48

(Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo  Ayaan Maxamed Muuse ayaa  ka cabaneysa gar iyo shaarbo kusoo badanaya,kana cabsi qabta inay dhumiso dareenkii naagnimadda )

Intii aan ku sugnaa degmada Boorame waxaan la kulmay gabar Sooaaliyeed oo dhibaato ka sheeganeysa dheddignimadeeda,taasoo ii sheegtay in ay ku noshahay cabsi iyo wel wel joogata ah,maadaama aysan haysanin hamiga iyo rajada ay ku naalaaloonayaan gabdhaha asaageeda ah.

Gabadhaan oo magaceeda la yiraahdo Ayaan Maxamed Muuse waa 25 jir,waxayna la nooshahay hadda ina habaryarteed. Waxaan la yeeshay wareysi dheer,waxayna iga oggolaatay in aan sawir ka qaado isla markaasna aan baahin karo.

Ayaan waa gabar muuqaal qurxoon leh dhismaha jirkeeduna ay si fiican uga muuqato astaanta dheddignimada,gaar ahaan marka ay saan qaadeyso iyo laafyaheed intuba,hase yeeshee, waxaa jira dhibaatooyin isugu jira kuwo muuqda iyo kuwo dahsoon oo dhamaantood fiisyoolojiyan taabanaya xaddidaada dhidignimadeeda.

Ayaan dhibaatooyinka muuqda ee ay si weyn u dhibsatay waxaa ka mid ah gar iyo shaarubo ku sii badanaaya marba marka ka sii dambaysa,sida sawirkeeda ka muuqanaya,waxayna ii sheegtay in ay goor walba jarto ( Ma garanaayo wax aan sameeyo oo aan aheyn in aan aror walba maqasta la raaco,sidaasoo ay tahay raadkiisii waa kaa muuqanaya) ayay tiri;waxayna sii raacisay arrinta kale ee muuqata isla mar ahaantaasna ay kahsatay( Garka iyo shaarubuhu waa wax aad qarsan karto ama waxaa la arki karaa inta ifku jiro,bal adiguba si dheh codkeygaan weyn oo habeen iyo maalinba isku si ah).

Ayaan Maxamed Muuse amuuraha ay ka cabaneyso kuma koobna intaas oo kali ah balse waxaa jira arrimo qarsoon oo ayan cid kale la ogeyn,waxayna had iyo jeer ka ooydaa uurka hoose,iyadoo ku fekerta sida mishkiladeeda xal u yeelan karto.
Waxay ii sheegtay in ay dadka dhex mari Karin oo ay ka khjileyso,maxaa yeelay beey tiri,waxay ii arkaan in aan labeeb ahay oo aan isugu jiro nin iyo naag,hase yeeshee, sidaas ma ahi oo waxaan ahay gabar beey sii raacisay.

Ayaan sida aan soo xusay waa gabar qurxoon oo ay dumarnimadeeduna si fiican u muuqato lehna naaso waa weyn. Mar aan weydiiyay goortii ay isku aragtay astaamahaan iyo in ay wax dhakhtar ah la xiriirtay waxay tiri:-
(Waxaan isku arkay anoo 8 jir ah laakiin waxaan si rasmi ah u dareemay 14keygii kolkaas oo ay timahaan igu soo bateen,waxaana ku qaan gaaray 18 jir keygii oo aheyd markii ugu horeysay o ay caadada dhiigga igu dhacdo. Dhkhtarna hal mar ayaan la xiriiray waxaa la oran jiray Dr. Nuur waxayna aheyd magaalada Jig-jiga,wuxuuna igu yiri, waxaa kugu badan hormonka labka,wax daawo ahna la ima siinin). Waxay intaas ku dartay magaalada Jig-jiga ay mar kula kulantay koox wareyayaal ah oo ka codsaday in ay Adisababa u kaxeeyaan hase yeeshee, ay ka baqatay in sawiradeeda jaraa’idka lagu soo saaro sidaasna ay ku fadeexowdo.( Waan qaldanaa waxaa I qaaday caruurnimo ) ayay ku catowday.

Ayaan waxay kaloo ii sheegtay in ay hesho caadada haweenka ku dhacdo hase yeeshee ay tahay mid iska maqnaataa waqti dheer oo jahawareeersan,waxaa kaloo ay ii sheegtay in raggu ay u soo hasaawe tagaan agteeda laakiin ay ka baqato cuqdadna ay ka qabto. Waxay tiri:-
Waxaan ahay gabar dhankasta laakiin timahaan iyo codkeyga ayaa igu wacan cuqdada).

Ugu danbeyntii Ayaan Maxamed Muuse,waxay iga cidsatay in sawirkeeda aan baahiyo una bandhigo ciddii mishkiladaan ka saacidi karta,gaar ahaan dadka aqoonta u leh iyo kuwa u ololeeya xuquuqda iyo daryeelka haweenka. Ayaan ma heysato dhaqaale ay ku tagto dhkhtar oo baaritaan isku sameyso,sidaas daraadeed,waxay quf walba oo dareen banii’aadamo leh ka codsaneysaa in uu wax ka qabto dhibaatadeeda haddii uu kari karo,anigana waxaan sidaas oo kale idinka codsanayaa in gabadhaan dhalinyarada ah ee ka xaniban farxadda nolosha gacan lagu siiyo daaweynteeda si ay bulshada ula qeybsao farxadda.

Ayaan Maxamed Muuse waxay hadda ku nooshahay Boorame waxayna la nooshahay habaryarteed

Last Updated on Wednesday, 06 April 2011 23:48

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...