Sunday 3 April 2011

B/Xaawo - Ciidankii Dawlada oo isu dhiibey Alshabab Xili ay wasiiro Joogeen

Beled-Xaawo(Allpuntland)- Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya iyo gadiid dagaal oo ay watteen ayaa shalay isu dhiibay Xarakada Al Shabaab ee Gobolka Gedo ka dib markii Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya ay gaareebn degmada Beled-Xaawo.

Maxamuud Maxamed Samater oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlmaanka oo isagoo ku sugan magaalada Muqdisho shirjaraa'id saxaafada Muqdisho u qabtay ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Dowladda KMG oo watta gadiid dagaal ay u galeen Al Shabaab ka dib markii caro ay ka qaadeen Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda ay gaareen Magaalada B/Xaawo sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay Xildhibaankaan in ciidamada isu dhiibay Al Shabaab ay la socdeen saraakiil, waxa uuna sheegay in ay u goosteen sababo uu ku sheegay wargelin la,aan Wasiirada gaaray B/Xaawo ay sameeyeen.

Xildhibaankaan oo ka soo jeeda Gedo islamarkaana sheegay in uu ka mid yahay xildhibaanada waxka wada qorshaha dagaal ee ka socda Gedo,ayaa tilmaamay in Wasiirada shalay gaaray B/xaawo aysan imaanshahooda la soo socodsiin saraakiisha ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo taasina ay keentay in ciidamo Dowladda ka tirsan ay Shabaabka u galaan.

Shalay ayey ahayd markii magaalada B/Xaawo ay gaareen Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane, Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Gaashaandhiga C/rashiid Xidig oo dhowaan xilkaas loo magacaabay iyo Wasiiru Dowlaha Gaadiidka Cirka iyo Dhulka, Xildhibaano iyo Saraakiil Dowladda ka tirsan kuwaasi oo sheegay in ujeedkooda uu yahay in ay u guur galaan xaalada gobolka iyo deeganada Ciidamada Dowladda Al Shabaab ay kala waregeen

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...