Sunday 3 April 2011

Gaalkacyo:Isimada midkamid ah Qaabaa’ilada gobolka Mudug oo shaacayey inay Puntland ku biireen.

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Isimada,cuqaasha,Siyaasiyiinta & waxgaradka qabiilka Direed oo kamid ah koonfur bari ee gobolka Mudug & meelo badan oo kamid ah intabadan koonfurta Soomaaliya ayaa si rasmi ah waxay maanta ugu dhawaaqeen inay ku biireen dawlada Puntland ee Soomaaliyeed islamarkaasna ay diyaar u yihiin ka qeybgalka maamulka baaxada & qiimaha leh ee Puuntland,iyagoo sheegey inay ku qanacsanyihiin inay Puntland kamid noqdaan.

Suldaan Cabdinuur Xaaji Axmed oo kamid ah salaadiinta qabiilka direed islamarkaasna warbixin & faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey ku biiristooda Puntland ayaa sheegey in ay madaxda Puntland la kulmeen islamarkaasna ay casumaad gaar ah ka heleen madaxweynaha dawlada Puntland islamarkaasna ay madaxweynaha kala hadleen ku biiristooda Puntland,isagoo sidoo kalena sheegey in wadatashi dheer oo ay la qaateen aqoonyahanka,jaaliyadaha & siyaasiyiinta beesha kadib ay si rasmi ah u go’aansadeen inay ku biiraan dawlada Puntland ayna kamid noqdaan shacabweynaha reer Puntland oo ay deris awal ahaayeen.

Sidoo kale qaarkamid ah waxgaradka beesha direed ee maanta sida rasmiga ah ushaacisay ku biiristeeda dawlada Puntland ayaa iyana dhankooda sheegey inay ku faraxsanyihiin ka mid ahaanshaha shucuubweynaha reer puntland islamarkaasna ay diyaar u yihiin ka qeybqaadashada sidii maamulku uu si wanaagsan usii socon lahaa loogana difaaci lahaa cadow kasta oo uu leeyahay.

Cabdiqani Xayir
Allpuntland

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...