Sunday 3 April 2011

Dhoobley oo Lagala Wareegay Shabaab kadib Dagaal Aafar Saacadood Qaatay oo Maanta Ka Dhacay


Dhoobley (RBC) Wararka ugu dambeeya ee naga soo gaaraya degmada Dhoobley oo dagaal culus uu saaka ka dhacay ayaa sheegaya in ciidamada DKMG ah iyo kuwa Raskambooniyiinta oo isku dhinac ah ay la wareegeen gebi ahaan gacan ku haynta degmada Dhoobley.
Dagaalkan oo qarxay saaka waaberigii ayaa soo gaarey illaa duhurnimadii maanta waxaana uu dagalku ku soo gabagaboobay in ugu dambeyntii gacan ku haynta degmada ay la wareegeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa Raskambooni ee uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.
Ciidamada Shabaab ayaa isaga baxay magaalada waxaana warar xog ogaal ah ay sheegayaan in xoogagii Shabaab ay ku kala bexeen labo wado oo kala aada degmada Qooqaani iyo dhanka Banka jiira.
Saraakiil ka tirsan ciidamada qabsaday magaalada ayaa warbaahinta u sheegay in xaalada magaalada ay degan tahay hadda, iyaguna ay gacanta ku hayaan amaanka.
Khasaaraha dagaalka ayaan si rasmi ah loo hayn ba;lse wararka ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay gareyso ku dhowaad 13 ruux halka dhaawacyaduna 20 ay gaarayaa. Waxaa sidoo kale jira dhaawacyo meelo kala duwan loo qaaday sida ay xogta nagu soo gaareyso.
Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca afhayeenada Shabaab oo ay kaga hadleen dagaalka maanta magaalada Dhoobley looga qabsaday.
Dagaalkan Dhoobley ayaa soo noqnoqday mudooyinkii u dambeeyey iyadoo dhowr jeer ay gacan ku heynta degmadaasi kala qaateen ciidamada dawlada iyo kuwa Shabaab.
Guud ahaan magaalada ayaa maanta xirneyd waxaana dadka badankiis ay weli ku mqan yihiin duleedyada magaalada oo ay u barakeceen intii dagaaladu socdeen.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...