Dhuusamareeb (RBC) Warar faahfaahsan ayaa ka soo baxaya boob ay xarakada Al-Shabaab ka geysteen gudaha degmada Dhuusamareeb oo shalay gelinkii dambe dagaal ay ku qabsadeen.
Meelaha ay Al-Shabaab shalay boobeen waxaa ka mid ah xaruntii idaacadda Radio Dhuusamareeb [Codka Bartamaha] oo ay dhamaan qalabkii yiilay ka qaateen markii ay galeen gudaha magaalada.
Wariyaal ku sugan Dhuusamareeb waxay RBC Radio u sheegeen in daacada xilligaasi aaney cidna ku sugneyn oo laga cararay isla markaana idaacadu ay densaneyd.
Meelaha kale ee ay Shabaabku bililqeysteen waxaa ka mid ah dhowr xafiis oo ay hay’ado samafal halkaa ku lahaayeen, iyagoo ka qaatay alaabo isugu jira raashiin, qalab xafiiiseed iyo dawooyin.
Saldhigii booliska ee degmada Dhuusamareeb, dukaamo iyo guryo dadweyne ayaa sidoo kale naloo xaqiijiyey in ciidanka Shabaab ay galeen oo ay alaabo kala duwan ka qaateen.
Qaar ka mid ah dadkii guryahooda la galay ayaa sheegay in xilligii la boobayey guryahooda ay ka maqnaayeen oo dagaalka ay ay kala carareen ilmahooda markii ay soo laabteena ay u yimaadeen iyadoo guryahooda la jabsaday lagana qaatay wixii hanti ahaa ee u yaalay.
Saraakiisha Ahlu-Suna ee ku sugan degmada Dhuusamareeb ayaa sheegay in la wado qiimeynta khasaaraha ka dhacay magaalada iyo alaabaha la boobay isla markaana dib ay ka sheegi doonaan.
Xaalada magaalada ayaa maanta xasiloon iyadoo shalay maqribkii Shabaab ay ka bexeen magaalada kadib markii sida la sheegay Ahlu Suna ay dib ugu soo rogaal celiyeen magaalada iyagoo helaya gurmad ciidan.
RBC Radio
One Stop shop for Daily Digest - News, Views and analysis of the political developments of the Horn of Africa. Now you can follow by email alerts situated at the bottom. Please feel free to forward any item of interest - it is your blog too (Make it your Home Page)
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Why cows may be hiding something but AI can spot it
By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...
-
Wednesday, November 14, 2012 By Jonathan Kalan Kasim moves swiftly around the machine. Like a dancer, he has style, a unique way of p...
-
Washington, DC – Last month, President Sheik Sharif Ahmed appointed Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed, a Somali¬American dual citizen, as the ne...
No comments:
Post a Comment