Sunday 24 April 2011

Dhaq dhaqaaqyo ciidan ka jira Gedo, Ciidamada Dowladda oo u kala jiheystay Baardheere iyo Garbahaarey

Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh ayaa laga soo sheegayaa Gobolka Gedo, kadib dagaalo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayeen deegaano ka tirsan, iyadoo Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ay qabteen degmooyinka ay kaga sugan yihiin Gobolkaas Xarakada Alshabaab.

Wararka naga soo gaaraya Gobolka ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda ay ku kala baxeen degmooyinka Garbahaarey iyo Baardheere oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, halkaasoo aheyd deegaanada maalmihii la soo dhaafay abaabulka ka wadeen.

Saraakiil ka tirsan Dowladda KMG ayaa sheegay inay weerar ku yihiin deegaanada ka haray Gobolkaas, si ay uga saaraan Alshabaab, waxaana wararku sheegayaan in Ciidamo fara badan oo ka yimid dhanka Itoobiya ay ka baxeen Beledxaawo, kuwaasoo aan la ogeyn inay qeyb ka yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Dowladda ay duulaan ku yihiin Garbahaarey iyo Baardheere, isla markaana waqtiyada soo socda uga saari lahaayeen sida uu hadalka u dhigay.

Dagaalo muddo saddex maalmood ka dhacayay deegaano ka tirsan degmada Ceel-waaq ayaa ahaa kuwo qasaare badan geystay, iyadoo dagaalkaas Shabaab ay ku heleen saanad Milateri oo ay ka qabsadeen Ciidamada Dowladda, dagaaladii ka dhacay deegaano u dhow dhow Buusaar

Wasiirka gaashaandhiga ahna Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka C/xakiin Xaaji Fiqi oo dhowaan soo gaaray qeybo ka mid ah Gobolka Gedo ayaa sheegay inay sii xoojin doonaan dagaalka ay kula jiraan Xarakada Alshabaab, isagoo xusay in Ciidamo fara badan oo kuwa Dowladda ay u diyaarsan yihiin in Goboladaas ka xoreeyaan Shabaab.



Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...