Sunday 24 April 2011

Mujaahidiinta oo Hubkii ugu badnaa Caawa kasoo qufaya godod ku yaala magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada Mujaahidiinta ee galabta  la wareegay magaalada Dhuusamareeb ayaa Caawa waxay wadaan howlo ay ku baadi goobayaan Keydkii hubka ee Maleeshiyaadka Mushrikiinta.
Ilo madax banaan oo Shabakadda Amiir Nuur Media ay ka helayso magaalada Dhuusamareeb ayaa xaqiijinaya in Ciidamada Mujaahidiinta ay hub iyo rasaas badan ka heleen godod kuyaala gudaha magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo Mujaahdiintu ay weli ka wadaan baaritaano xoog leh.
Dhinaca kalena Mujaahidiintu waxay weli kusoo dabo joogaan firxadka Maleeshiyaad Mushrikiin ah oo ubaxsaday dhinaca degmada Balanbal, lamana saadaali karo in Mujaahidiintu ay sii baacsan doonaan Maleeshiyaadkaasi ilaa iyo Balanbal.
Wixii kusoo kordha kala soco Amiir Nuur Media.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...