Sunday 24 April 2011

Hawgalkii Dhuusomareeb oo soo Idlaaday iyo Mujaahidiinta oo Saldhigyadoodii dib ugu laabtay

Ciidamadii Mujaahidiinta ee shalay gelinkii dambe la wareegay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud ayaa saqdii dhexe ee habeenkii xalay waxay xeelad dagaal uga baxeen magaalada.
Sida ay kusoo waramayaan dadka deegaanka Ciidamada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa waxay faarujiyeen gudaha magaalada Dhuusamareeb, iyagoona ku laabtay Saldhigyadii ay markii hore kasoo duleen ee kuyaala duleedka magaalada.
Maleeshiyaadka Mushrikiinta ah ee shalay gelinkii dambe lagala wareegay magaalada ayaa saakay waxay markale dib ugu soo laabteen magaalada Dhuusamareeb, iyagoona magaalada ka billaabay howlgallo ay ku qab qabanayaan dadka ay uga shakinsanyihiin inay xiriir la leeyihiin Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.
Shalay gelinkii dambe ayay aheyd markii Ciidamada Mujaahidiinta Alshabaab ay gudaha u galeen magaalada Dhuusamareeb, kadib markii halkaasi ay dagaal kula galeen Qabuuro Galeenka.
Hawgalkaan oo ay fulisay qayb ka mid ah Guutada Khaalid Binu Waliid ayaa ahaa mid lagu guulaystay,kadib  markii la xaqiijiyay dhamaanba  ula jeedooyinkii Milatari ee laga lahaa , Mujaahidiintuna waxay ku laabteen goobihii ay ka soo duulaan tageen xili ay soo rarteen qaniimooyin aad u fara badan oo ay Xabashidu u keentay Mushrikiinta.

AmiirNuur Media,

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...