Monday 4 April 2011

Gabay: Dulmiga BBC iyo VOA ee Gobolka Azania


BY: Dhiidhin Kooge Jaamac (DKJ)

Yuusuf Ina Magaradbaa qabiil loogu daw galaye
Isagiyo Yabarow daaman xume baa dalkii gubaye
Idaacadaha doodday ka naqi waw damiir li’iye
Diradiriyo eedbay intaa soo dawinayaane
Dabkii ay shideenbaa dadkii daaddufshoo rogaye
Alla doori waa waxan lahayn dux iyo iimaane
Bal dayaay dalkii Xamar ahaa waa dekaakimo’e
Intay xumaha daba roorayeen gube dadkoodiiye
Soomaali diidkay wanaag ugu dalbaayeene
Puntland-na diiday arlada kaga dacwoodaane
Maantana Azania dafire waa dellegayeene
Dulmi aadmi ruux derejo biday dib u guhaadooye
Eebbow dufee waa waxaan nabad danaynayne

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...