| | |
| Written by Administrator |
| Tuesday, 05 April 2011 02:59 |
![]() Wargeyska Alqudus Alcarabi ee ka soo baxa magaalada London ayaa shalay soo qoray qisadan cajiibka ah Hadaba aan isaga kiin baxno sida wargeyska u soo tebiyay qisadan oo ku bilaabatay sidan Waxaa la soo saaray meydka ilmo laba bilood jir ah kadib markii uu xabaalnaa muddo saddex cisho ah ,waxana ay ku noqotay waalidka iyo qaraabada ilmahan fajac iyo amakaag kadib markii ay ogaadeen in ilmahan aan la helin isaga oo nool keliye balse ka caafimaaday xanuunkii darnaa ee ka haleelay sambabada kaas oo keenay in dhaqaatiirtu ayku xukumaan in ilmahani uu geeriyooday dabadeedna ayku dhawaaqeen in la aaso arrintas oo ka dhacday magaalada firoz Abad ee ku taal gobolka Uttar Pradesh ee waqooyiga dalka Inida.Qisadan oo uu soo tebiyay wargeyska The ASEAN Edge ee ka soo baxa magaalada New Delhi ayaa waxa uu ku sheegay in hooyada ilmahani ay riyo ku aragtay in il maheedu uu weli nool yahay ,waxaa wargeysku sheegay in ilmahan oo la aasay Talaadadii aynu ka soo gudubnay ay hooyadiis ku adkaysatay in meydka ilmaheeda dib loo soo saaro maalintii Jimcada ahayd,waxana hooyadii ilmahan iyo dadkii ku weheshayba kediso ku noqotay in ay heleen ilmahan oo xubnihisu dhaq dhaqaaq samaynayaanWaxana wargeysku tilmaamay in baaritaan xeel dheer oo dhaqaatiirtu ilmahan ayku sameeyeen uu muujiyay in ilmahan uu si buuxda uga caafimaaday dhamaan xanuunadii uu horay uga qabay sambabada Waxa wargeysku uu ka soo xigtay aabaha ilmahan inuu u sheegay in xaaskiisu ayku adkaysatay in la soo saaro meydka ilmahan kadib markii ay riyo ku aragtay il maheeda oo u dhawaaqaya isla markasna ka dalbanayana in ay ka saarto qabuurta,waxana uu aabaha ilmahan yari u sheegay wargeyska inuusan isagu marna aamin sanayn in wiilkiisu weli nool yahay balse uu ogalaaday in meydka il maha la soo saaro isaga oo uun ku raali gelinayay xaaskiisa,waxana uu sheegay in dhamaan dadkii goob jooga ka ahaa dib u soo saarka meydka wiilka ay ama kaag iyo fajac ku noqotay arrintani Isha warkan ka sii daalacoPuntlandnews24+ShacabkamediaShacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono |




No comments:
Post a Comment