Saturday 2 April 2011

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo loo magacaabay Avv. Ceydiid Cabdullahi Ilka Xanaf

Warsaxaafadeed
(Muqdisho – Sabti, 02 April 2011)—–Shir aan caadi aheyn oo ay Golaha Wasiiradu yeesheen maanta oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin marxaladda kala guurka ah iyo magacaabista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
Ka dib markii Wasiirka Garsoorka, caddaaladda iyo arrimaha Diinta uu soo hordhigay golaha qorshe ku saabsan dib-u-habeyn logu sameynayo Garsoorka dalka, isla markaana lagu howlgelinayo maxkamadihii dalka ayuu u soo gudbiyey taariikh nololeedka shaqsiga buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahnaa Guddoomiyaha Maxkamada Sare. Dood dheer ka dib Golahu waxuu isku raacay in loo magacaabo xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Avv. Ceydiid Cabdullahi Ilka Xanaf.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xilligan kala guurka ah loo baahanyahay wadajir, iyo wadashaqeyn dhammaan hay’adaha dastuuriga ah iyo sidii Dowladdu ay u dardargelin laheyd howlaha muhiimka ah ee loo hayo shacabka soomaaliyeed sida sugidda amniga, iyo wadatashiga dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ku jiraan maamul goboleedyada iyo Somalida Qurbo joogta ah.
Dood dheer ka dib golahu waxuu sidoo kale isku raacay in la sameeyo guddiyadan hoos ku xusan si loo dardargeliyo howlaha muhiimka ah isla markaana si habsami leh looga gudbo marxalladan kala guurka ah. Guddiyaddaas oo kala ah:
  1. Guddiga Siyaasadda iyo la shaqeynta bulshada caalamka;
  2. Guddiga Difaaca Qaranka iyo sugidda amniga;
  3. Guddiga arrimaha Baarlamaanka;
  4. Guddiga ururinta dhaqaalaha Difaaca Qaranka iyo
  5. Guddiga Abaabulka bulshada soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo qurbojoogta soomaaliyeed.
-DHAMAAD-
Waxaa qoraalkaan nasoo gaarsiyey

Garad Salad Hersi
Press Officer office of the Prime Minister
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...