Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in waxyaabaha magaalada Gaalkacyo maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayey ay ahaayeen waxyaabo laga naxo oo isugu jira dad qarax lala beegsadey iyo kuwo masaajida lagu weeraray.
“Falalkii isku xig xigay ee qaraxa iyo weerarada masaajida aad iyo aad ban uga xunnahay aduunkoo dhana wuu ka xun yahay, kuwa ka dambeeyayna waan cambaareyneynaa habaarna waan ugu dareynaa, Alle idinkii aduun iyo aakhiro in aysan liibaanin” ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Puntland.Mudane C/raxmaan Faroole ayaa hadalkiisa ku daray in uu cambaareynayo weerarada argagaxisada ah iyo kuwa aargoosiga ah ee ka dhaca deegaanada Puntland, wuxuuna ku baaqey in arimahaasi laga waantoobo oo aysan dhicin falalka ceynkaasi oo kale ah oo uu Madaxweynuhu ku tilmaamey kuwa wuxuushnimo ah.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Puntland Mudane C/raxmaan Faroole waxaa uu Alle u baryey dadka abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan gudaha deegaanada Puntland, wuxuuna shacabka Puntland u rajeeyay in Alle uu siiyo roob iyo barwaaqo abaarta jirta ka saara.
RBC Radio.
No comments:
Post a Comment