Tuesday 19 April 2011

Gudoominta Shirarka Barlamaanka KMG oo Dood Culus ka Taagan Tahay Iyo Mooshin ka dhan ah Shariif Xasan oo Miiska la soo Saaray (Warbixin)

Muqdisho (RBC) Iyadoo xildhibaano gaaraya 100 mudane oo ka tirsan barlamaanka ay wadaan mooshin xilka looga qaadayo gudoomiyaha barlamaanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa haddana waxaa soo baxday dood ku saabsan sharcinimada gudoonka shirarka barlamaanka ee Shariif Xasan mar haddiiba isaga eedo loo haysto.
Xildhibaano gaaraya 100 mudane oo shalay [18-April-2011] kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka soo horjeestay in Shariif Xasan uu gudoomiyo kulamada barlamaanka ee lagu wado inay ka furmaan Muqdisho maalmaha soo socda, xilli uu tagan yahay mooshin isaga xilka looga qaadayo.
Xildhibaan Ismaaciil Axmed Nuur oo ka mid ah mudanayaasha wada mooshinka ayaa kulanka ka sheegay in mooshinkooda kaliya aanu ku ekeyn xil ka qaadista gudoonka balse sidoo kale marka xilka laga dhigo Shariif Xasan lagu soo eedeyn doono arimo kale oo ay ku jiraan khiyaamooyin iyo ku xadgudub awoodeed siduu hadalka u dhigay.
“Anaga mooshinka aan keenay ma ahan kaliya xil ka qaadis ee sidoo kale waa in marka uu shakhsi caadi ah noqdo kadib lala xisaabtamo Shariif Xasan”, ayuu yiri xildhibaanka.
Mooshinka ka dhanka ah gudoonka barlamaanka oo ay arkeen wariyaasha RBC Radio ayaa muujinaya eedeymo fara badan oo loo hesto Shariif Xasan, waxaana illaa hadda siixay boqolka mudane.
Warar hoose oo aanu heleyno ayaa sheegaya in xildhibaanada iyo rag ku jira xukuumada ay u ololeynayaan sidii tirada mudanayaasha saxiixaya mooshinka loo badin lahaa si loo helo kooram barlamaanka oo xilka looga qaadi karo gudoomiyaha.
Tirada xilka qaadista sameyn karta
Tirada xildhibaanada barlamaanka oo gaaraya 550 ayaa sida xeer hoosaadka barlamaanku qabo, waxay tahay in la helo cod hal dheeri ah kala bar tirada barlamaanka taasoo noqoneysa 276- mudane.
Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah xubnaha ugu cadcad dadka mooshinka keenay ayaa sheegtay in deg deg loo buuxin doono tirada midanayaasha diidan gudoomiyaha iyadoo intaa ku dartay in waqti dhow kulankii barlamaanka uu furmi doono.
“Ma dheceyso inuu gudoomiyo shirka barlamaanka oo uu kursiga ku fariisto shir gudoonka”, ayey tiri Khadiijo.
Labo kala bariday kala war la’
Arinta xiisaha leh ayaa ah in gudoomiyaha barlamaanka iyo xulufadiisa oo u badan xildhibaano horey wasiiro uga soo noqday xukuumadii Cumar C/rashiid ay doonayaan in kulanka barlamaanka la qabto loogana doodo qodobadii heshiiskii Nairobi ee ay DKMG diiday.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...