Saturday 2 April 2011

Mucaarado xoog leh oo lagala horyimid Maamul Goboleedka Azaaniya ee Prof. Gaandi Madaxweynaha ka yahay

Iyadoo maalinimadii arbacadii lagaga dhawaaqay Magaalada Nairobi Maamul Goboleed uu yeelanayo Gobolada Jubooyinka iyo Gedo, madaxweyne uu ka yahay Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka ayaa waxaa durba soo wajahaya mucaarado xoogan.

Xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan Dowladda KMG ayaa si cad uga horyimid Maamulkaas, iyagoo qaarkood ku tilmaamay mid riyo iyo qaraw ah, iyagoo sheegay Maamulada looga dhawaaqay Gobolkaas aanu aheyn mid wax soo kordhin kara.

Mudanayaasha oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxay ku qaadaceen Maamulkaas, waxaana ay ugu baaqeen Dowladda Kenya inay faraha kala baxdo arrimaha Goboladaas.

Sidoo kale Xildhibaanada qaar ayaa ku andacoonaya in Ciidamada ku sugan Kenya aanu si toos ah u hoos tagin Prof. Gaandi, balse ay yihiin Ciidamo laga soo uruuriyay beelaha dega Goboladaas.

Prof. Gaandi oo shalay ka hadlayay barnaamij dood ah oo ka baxay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in Maamulkaas howshiisa ay soo wadeen muddo saddex sano, isagoo sheegay in dib u heshiisiin iyo wada tashi kala duwan markii la sameeyay ay ku guuleysteen inay ku dhawaaqaan.

Maamulka Azaaniya ayuu sheegay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan uu kaga howl galayo Goboladaas, waxaana uu xusay in Ciidamadii ka xoreyn lahaa deegaanadaas ay diyaarsan yihiin.

Si kastaba ha ahaatee Maamul Goboleedka saddexda Gobol ee Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo ayaa wajahaya dhaliilo iyo bogaadin isugu jira, iyadoo Maamulkan uu yahay Maamulka kaliya ee heysta Ciidamo fara badan, kuwaasoo horay loogu tababaray dalka Kenya.



Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com
jowharcom@gmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...