Saturday 2 April 2011

Wasiiro ka tirsan Xukuumada, Xildhibaano iyo Saraakiil gaartay Beledxaawo

Wasiiro ka tirsan Xukuumada Farmaajo oo uu horkacayay Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane, Xildhibaano iyo Saraakiil ayaa maanta gaaray Magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, halkaas oo bishii la soo dhaafay horaanteedi ay qabsadeen Ciidamada Dowladda KMG.

Xubnahan Wasiirada ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Gaashaandhiga C/rashiid Xidig oo dhowaan xilkaas loo magacaabay iyo Wasiiru Dowlaha Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.

C/rashiid Xidig oo saxaafada si kooban uga waramay safarkooda ayaa sheegay inuu yahay mid ay ugu kuur galayaan xaalada deegaanadii dhowaan ay la wareegeen Ciidanka Dowladda, isla markaana qorshahooda yahay inay eegaan xaalada.

Wararka ayaa sheegaya in Wasiiradan iyo xubnaha kale ay u sii gudbi doonaan deegaanada kale ee Gobolka Gedo ay dhowaan la wareegeen Ciidamada Dowladda, waxaana qorshaha safarka uu qeyb ka yahay dadaalka Xukuumada ugu jirto sidii Gobolada Koofureed ay kula wareegi laheyd.

Ciidamada Dowladda KMG oo wehliya kuwa Culumaa'udiinka Ahlusuna ayaa dhowaan meelo ka mid ah Gobolka Gedo dagaalo kula galay Xarakada Alshabaab, iyadoo ka qabsaday degmooyin dhowr ah.

Dagaalo u dhaxeeya labada dhinac ayaa wali waxay ka taagan yihiin deegaanada qaar, halkaas oo Shabaabka ku qaadayaan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...