Saturday 23 April 2011

Qoysas haraad la’ildaran oo xoog ku leexsaday gaadiid biyo u siday

Ceel-waaq: (Sh. M. Network) Qoysas haraad la’ildaran ayaa saacadihii lasoo dhaafay xoog waxaa ay ku leexsadeen gaadiid biyo u siday Qoysas kale oo ay abaaru ku haystaan dhulka Soomaalida ee ay Ethiopia Maamusho.

Qoysas haraad iyo oon la’ildaran ayaa leexsaday gaadiid gurmed ah oo biyo u siday qeybo ka mid ah Tuulada Neef-kuceshe halkaasi oo ay dhibaato nolol xumo ah oo aad u daran ay ku haysataan Qoysas reer guuraa ah.

Gadiidka la leexsaday ayaa u xaqiijiyay xubno ka mid ah Guddiga abaaraha ee dhawaan looga dhawaaqay degmada Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud, waxaana ay sheegeen in gaadiidka la leexsaday ay gaarayeen ilaa 3-booyadood oo labo ka mid ah lagu ceshtay Tuulada Ceel-dibir ee dhulka Soomaalida oo ay Maamusho Ethiopia.

Mas’uuliyiinta Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in dadka ku dhimanaya qeybo ka mid ah dhulka Soomaalida ay degto oo ay Maamusho Ethiopia ay ka heeleen xog ah in dadka halkaasi ku dhintay ay gaarayaan ilaa 10-ruux oo u geeriyootay abaaraha iyo biyo la’aanta baahsan oo halkaasi ka jirta.

Sikastaba ha’ahaatee dhulka ay dagto Soomaalida ayaa waxaa ka jira abaaro kuwii ugu darnaa, iyadoo dadka halkaasi ku nool ay kasoo yeerayso qaylo dhaan ay ku dalbanayaan inay lala soo gaaro gar gaaro




Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

NALA SOO XARIIR webmaster@shabelle.net

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...