Saturday 23 April 2011

Al Shabaab oo la wareegay gacan ku haynta degmada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb: (Sh. M. Network) Dagaal culus ayaa ciidamada Xarakada Al Shabaab iyo kuwa Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca waxaa uu ku dhexmaray degmada Dhuusamareeb iyadoo markii dambe gacan ku haynta degmadaasi ay la wareegeen Shabaab.

Dagaalkaani ayaa yimid kadib markii ciidamada Xarakada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen degmada Dhuusamareeb oo ay gacanta ku hayeen Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca, waxaana dagaalka uu markii dambe ku fiday xaafado badan oo ka mid ah degmadaasi.

Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa la sheegay inay gudaha u galeen oo ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud sida Idaacada Shabelle ay u sheegeen ilo madax banaan oo ku sugan degmadaasi.

Ciidamadii kale ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa la sheegay in ay isaga baxeen gudaha Magaalada wallow wararka qaar ay sheegayaan in ay ku suganyihiin meelo ka mid ah duleedka degmadaasi.

Ilaa iyo hadda lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkii galabta ka dhacay degmada Dhuusamareeb ee gobolak Galgaduud.

Majiro wali wax war ah oo ka soo baxay masuuliyiinta ahlu Sunna iyo kuwa Xarakada Al Shabaab oo ku aadan dagaalka galabta ka dhacay degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.


Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

NALA SOO XARIIR webmaster@shabelle.net

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...