Saturday 23 April 2011

Warsaxaafadeed - Shirka Golaha Wasiirad


(Muqdisho – Sabti, 23 April 2011)----- Shirkii caadiga ahaa ay Golaha Wasiiradu yeesheen Khamiistii 21kii April 2011 oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin sidii looga gudbi lahaa  marxaladda kala guurka ah. Golahu waxey isku raaceen arrimaha soo socda:
1.      Bacdamaa ay Xukuumaddu mas’uul ka tahay jaangoynta siyaasadda, loona baahanyahay in dhammaan hay’adaha dastuuriga ah ay ka wada shaqeeyaan sida ugu habboon ee looga gudbi karo marxallada kala guurka ah, in loo baahanyahay in mowqif mideysan ay dhammaan hay’adaha dastuuriga ah ka wada qaataan habka ugu habboon ee looga gudbi karo marxaladda kala guurka ah.
2.      Bacdamaa Baarlamaanka sharafta leh ay 3dii February go’aamiyeen in muddada baarlamaanka lagu kordhiyo 3 sano, isla markaana uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu ka codsaday baarlamaanka inay dib-u-eegid ku sameeyaan go’aankaas, ka dib markii shacabka soomaaliyeed iyo caalamkaba ay muujiyeen welwelkooda ku aadan muddada 3da sano iyo iyada oo markii horeba ay aheyd in Xukuumadda laga sugo barnaamijka muddo kororsiga, ayey Xukuumaddu go’aamisay arrimaha soo socda:
A)     In guddi heer wasiir ah oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda FKMG ah ay kulan wadatashi ah la yeeshaan Guddoonka baarlamaanka iyo madaxda guddiyada baarlamaanka, si looga wada hadlo marxaladda kala guurka ah, oo loo helo mowqif mideysan oo ay ku jirto danta shacabka soomaaliyeed.
3.      Raissul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maalintii Khamiistii 21kii April u qoray warqad baarlamaanka kuna haggaajiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka kana codsaday in maalinta Sabtiga ah ee 23ka April 2011 uu kulankaas wadatashiga labada hay’adood ah uu dhaco.
4.      Golaha Wasiirada iyagoo arkaya baahida loo qabo in aragti mideysan laga yeesho sidii looga wada gudbi lahaa marxalladda kala guurka ah ayey u arkeen inay khasab tahay in wadatashi deg-deg ah lala yeesho baarlamaanka.
5.      Golaha Wasiirada waxaa ka go’an sidii loo raadin lahaa maslaxadda ummadda soomaaliyeed oo geed dheer iyo mid gaabanba loogu fuuli lahaa, isla markaana si is-faham iyo is-afgarad leh loogu soo afjari lahaa xal u helidda xilliga kala guurka ah.
6.      Walow uusan shirkii la filayey maanta qabsoomin, Xukuumaddu waxey weli rajo weyn ka qabtaa in kulankaas wadatashiga ah ee muhiimka u ah shacabka soomaaliyeed inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u qabsoomi doono, isla markaana guddiyada labada gole si saraaxad leh uga wada hadli doonaan sidii mowqif mideysan oo ay danta shacabka ku jirto loo gaari lahaa.
Arrimaha Abaaraha ka jira Dalka:
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Somalia iyo Golahiisa Wasiirada waxey wel-wel aad u weyn ka qabaan xaaladda aadka u daran ee abaaraha ah ee ka jira dalka Somalia oo maalinba maalinta ka danbeysa ay xaaladdu ka sii dareyso. Waxaa jira warar ka imanaya gobolada dalka oo sheegaya in dad iyo duunyaba ay macluul iyo gaajo ugu dhimanayaan, iyadoo roobabkii la filayey ay aad u soo daaheen. Sidaas daraadeed waxey caalamka iyo hay’adaha gar-gaarka ka codsanayaan in si deg-deg ah loo soo gaaro shacabka soomaaliyeed.
Dowladda FKMG ah waxey soo dhaweyneysaa Madaxweynihii hore ee dalka Ghana Jerry Rowlings baaqiisii ahaa in shacabka soomaaliyeed si deg-deg ah loo soo gaaro, iyo baaqyadii isdaba jooga ahaa ee ka imanayey Qaramada Midoobey ee dalbanayey in shacabka soomaaliyeed si deg-deg ah loo soo gaaro.
Dowladda FKMG ah waxey ugu baaqeysaa shacabka soomaaliyeed kuwa gudaha jooga, qurbo-joogta iyo ganacsatada soomaaliyeed inay gar-gaar deg-deg ah la soo gaaraan shacabka soomaaliyeed ee ay abaarahu sida xun u waxyeeleeyeen.
-- DHAMAAD-


--
Garad Salad Hersi
Press Officer office of the Prime Minister
Mobile: +252-615536608
             +252-6-2536608
Mogadishu, Somalia
 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...