Sunday 3 April 2011

Siyaasiyiinta Puntland Oo Siyaabo Kala Duwan Uga Hadashay Shirka Nairobi

Gaalkacyo (RBC Radio):- Siyaasiyiinta Puntland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay shirka madaxda Soomaalida uga furmaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, shirkaasi oo bishan bartamaheeda dhici doona.
Shirkani la filayo in uu ka dhaco magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa isku dubaridaya xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Siyaasada dalka Soomaaliya, waxaana lagu casuumay in ay ka soo qeyb galaan mas’uuliyiin farabadan oo ka socda Dowladda FKMG, Puntland, Soomaaliland, Ahlusuna iyo Siyaasiyiin kale.
Madaxweyne xigeenkii hore ee Puntland isla markaana in muddo ah soo hayey xilka Wasiirka Maaliyada Dowladda Puntland Dr, Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa ka soo horjeestay shirka ka furmaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, wuxuuna shirkaasi ku tilmaamay mid lagu kala qeybinayo dadka Soomaaliyeed, isla markaana lagu diidan yahay nidaamka FKMG Soomaaliya ee dalka ka jira.
Dr, Gaagaab ayaa sheegay in shirka lagu qabanayo Nairobi uusan soo kordhineyn wax faa’ido ah balse uu yahay mid dhabar jab ku noqonaya dowladda FKMG Soomaaliya ee haatan shaqeyneysa, isagoo arintaasi ka hadlayana wuxuu yiri “mar kasta oo dowladda Soomaaliya ay meel wanaagsan wax marinayso ayaa shirar aan wax natiijo ah laheyn la yiraahdaa waa la qabanayaa, mar horena arintaasi waxaa wadi jiray Axmed Walad Cabdalla maantana Agost Mahigan ayaa wada, waxaan leenahay inta shir aan faa’ido laheyn lagu mashquulayo, garab dowladda jirta ha la siiyo oo hala xaliyo khilaafka mas’uuliyiinta dhexdooda ah”.
Dhinaca kale Barkhad Cali Saalax oo horey u soo noqday Lataliyaha Madaxweynaha Puntland haatana la shaqeeya dowladda Puntland ayaa waxaa uu soo bandhigay fikir ka duwan kan uu jeediyay Dr, Gaagaab, wuxuuna Barkhad sheegay in shirka lagu qabanayo Nairobi uu yahay shir looga hadlayo danta ummada Soomaaliyeed, wuxuuna intaa ku daray in uu rajeynayo in ay ka soo baxaan qodobo wax ku ool ah, isagoo intaa ku daray in Soomaaliya iyo mas’uuliyiinteedaba dibadda wax looga yeeriyo oo aysan jirin hab iyo heshiis ay ku wada yimaadaan.
Barkhad Cali Saalax wuxuu sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay qof buka oo kale isagoo adeegsadey oraahda {Nin buka boqol u talisay} taasi oo uu ula jeeday in dalka Soomaaliya mar walba la keeno dowladd lagu soo dhiso dalka dibaddiisa oo ay soo abaabulaan dowladaha arimaha Soomaaliya daneeya.
RBC Radio.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...