Sunday 3 April 2011

Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo si kulul u weeraray siyaasada Beesha Caalamka ee Soomaaliya (Hadal Xasaasi)

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si kulul u weeraray siyaasada Beesha Caalamka ee ku wajahan Dowladda KMG iyo Arrimaha Soomaaliya, isagoo hadalkii ugu xasaasinaa abid tan iyo markii loo magacaabay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha jeediyay, kaasoo si dhow iyo si fogba uga hadlay qorshaha Beesha Caalamka.

Wareysi gaar ah oo dhinacyo badan taabanayay oo uu saaka siiyay Idaacada ku hadasha Afka Dowladda KMG ee Radio Muqdisho ayuu si qoto dheer uga hadlay siyaasada Arrimaha Dibada ee ku wajahan Xukuumadiisa.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyn baaq u diray shacabka Soomaaliya, isagoo ka digay isku haleynta Beesha Caalamka, isagoo sheegay in Caalamka doonayaan in dhan walba u rodaan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyed.

"Waa arrin laga xumaado qaabka mar walba Beesha Caalamka nagula dhaqanto, in mar walba arrimaheena ay so fara gishtaan dhan walbana ay inoo rogaan waa wax nasiib daro ah, Shacabka waxaan ugu baaqayaa inay isku tashtaan"ayuu si kulul u yiri Ra'iisul wasaaraha.

Ra'iisul Wasaare Farmaajo ayaa xusay in hadii xaalka Soomaaliya uu sidan u ku sii socdo, ay dhici doonto in Dowladda KMG iyo shacabka ay lahaato Beesha Caalamka, isagoo si gaar ah u muujinayay mowqifka Xukuumadiisa ka qaadatay shirka wada tashiga uu ku baaqay Wakiilka Qaramada Midoobey Soomaaliya.

"Ma wanaagsana in usha lagula hayo, waxaanan habooneyn in lagu yiraahdo magaalo hebel hadaanan tagin intaas laguma siinayo, marka waxaa loo baahan yahay inaan isku tashano, hadii kale waxaa dhaceys in Beesha Caalamka ay na lahaato"ayuu si kulul u yiri Ra'iisul Wasaare Farmaajo.

Mr Farmaajo oo hadalkiisa ahaa mid qiiro iyo wadaniyad ku dheehneyd ayaa si gaar ah waxaa uu ugu muuqday inuu uga gil gishay fara gelinta tooska ah ee Caalamka ku haayo Soomaaliya, isagoo yiri "Sanadkii Soomaaliya waxaa loo qoondeeyaa 80-Milayn qaar ka mid ah waxaa lagu bixiyaa Ciidamada AMISOM, anagana raali baan ka nahay, maadaama Ammaanka ay ku sugayaan, balse xagee lagu bixiyaa inta kale, inlee Soomaaliya lama siiyee, mar kasta wan weydiinaa Beesha Caalamka, mana laga helo"ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in caalamka uu arko in Dowladda KMG wax qabato, balse aan waxba lagu bixin, hase ahaatee waxaa uu soo jeediyay in loo baahan yahay in la isku tashto si looga maarmo gacan hoorsiga Beesha Caalamka oo ugala jeeday lacagaha laga soo uruuriyay shacab kale, waxaana uu ka dalbaday shacabka in dhaqaalaha ay Dowladda KMG u baahan tahay shacabka Soomaaliyed uu ka yimaadaa.

Mar uu ka hadlay masiirka Umada Soomaaliyed ayuu sheegay in aan loo baahneyn Dib u Heshiisiin kale oo Beesha Caalamka ay qabato, isagoo xusay in hadii dhinacyada Soomaalida ay ku kulmaan meel ka mid ah gudaha Soomaaliya ay ka soo bixi doonto guul weyn.

Hadalkan ayaa noqonaya kii ugu kululaa ee Ra'iisul wasaaraha uu jeediyo, taasoo uu si guud ah dhaleeceyn ballaaran ugu jeediyo Beesha Caalamka.



Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...