Sunday 3 April 2011

Xasan Dahir oo sheegay in aysan ka socon doonin Soomaaliya qodobada ka soo baxa shirka Nairobi

Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ka tirsan Saraakiisha Sar sare ee Xarakada Alshabaab ayaa ka soo horjeestay shirka wada tashiga ee 12-ka bishan ka furmi doona Magaalada Nairobi, kaasoo ay qaban qaabineyso Qaramada Midoobey, isagoo sheegay in qodobada ka soo baxa shirkaas aanay ka socon doonin Soomaaliya.

Mr Aweys ayaa ku tilmaaamay shirkaas mid uu qaban qaabinayo cadawga, isla markaana uu yahay mid lagu maleegayo in shacabka lagu dhibaateeyo, hase ahaatee ay iyagu diidan yihiin wax kasta ee ka soo baxa.

"Shirka uu wato Cadawga halkan kama dhaqan geliyaan waxyaabaha ka soo baxay, waan diidnay, waxaan u sheegeynaa kuwa hada meelaha joogo ee isku sharaxaya in aysan halkan ka socon doonin waxyaabaha shirkaas ka soo baxa"ayuu yiri Xasan Dahir oo horay uga mid ahaa Ciidamadii Dowladdii hore.

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amp. Mahiga ayaa shirkaas wada tashiga ugu yeeray Maamul Goboleedyada iyo Dowladda KMG, iyadoo go'aankaas ay ka soo horjeesteen Xukuumada iyo Baarlamaanka.

Si kastaba ha ahaatee waxaa isa soo taraya diidmada kulankaas ka dhici doona bishan Magaalada Nairobi, iyadoo Maamulka Somaliland oo shirkaas lagu casuumat uu isna diiday inuu ka qeyb galo.



Hoyga wararka Somaliyeed

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...