Tuesday 19 April 2011

Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi iyo Saraakiil gaartay degmada Luuq

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Addis Ababa iyo Saraakiil ayaa gaaray degmada Luuq ee Gobolka Gedo, halkaas oo dhowaan ay la wareegeen Ciidamada Dowladda KMG.

C/xakiin Fiqi oo ka mid ahaa Wafdigii Madaxweynaha ee dhowaan tagay Magaalada Addis Ababa ayaa la sheegay inuu soo maray deegaanada ismaamulka Soomaalida Itoobiya, isla markaana uu soo gaaray deegaanada xuduuda ah.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa kula kulmay degmada Luuq Saraakiil ka tirsan Cidamada Dowladda, iyadoo kulanka labada dhinac ahaa mid diirada lagu saarayay xaaladihii u dambeeyay ee Gobolkaas iyo dagaalada ay kula jirto Dowladda KMG Xarakada Alshabaab.

Sidoo kale waxaa ay sheegayaan wararka in kulamada ay qeyb ka ahaayeen Saraakiil Itoobiyaan ah oo la sheegay in Luuq ay soo gaareen, iyadoo halkaas la sheegayo in lagu dajiyay istiraatiijiyad dagaal ku wajahan sidii loo dar dar gelin lahaa dagaalada Shabaabka ka dhanka ah.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo halkaas saxaafada kula hadlay ayaa sheegay inay dar dar gelin doonaan dagaalad,a isagoo tilmaamay in Shabaab ay xoog uga saari doonaan Gobolada Koofur Galbeed.

Maalmihii u dambeeyay ayaa Wasiirada Dowladda waxay booqasho ku tagayeen Gobolada dalka qaar iyo deegaanada dhowaan lagala wareegay Xarakada Alshabaab, iyadoo wali Dowladda KMG wado guluf dagaal oo ku wajahan sidii Gobolada uga saari laheyd Shabaab.



Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...