Friday 1 April 2011

Xiisadaha Somaliland iyo SSC xal ma u noqonaysaa xaqiiqada oo la baal maraa!!

Xiisadaha Somaliland iyo SSC xal ma u noqonaysaa xaqiiqada oo la baal maraa!!
Essa Mohamoud
almutawaadic@live.com
01/04/2011
Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, rabiga Caalamiinka, amaan iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa kii aanu jirin nebi ka dambeeyaa iyo ahalkiisii iyo asxaabtiisii dhamaan. Intaas ka dib:
Waqti haatan mudo badani ka soo wareegtay, baan qoraal webabka ku soo baxay ku sheegay, in dhibaatada ka jirta Soomaaliya ay maruun dhamaan doonto, ayna ugu dambaynayso halkii ay ka bilaabantay oo ah gobolada woqooyi, oo markaas beesha caalamka iyo ummada inteeda badan, ee aan aadka ugu xogogaalka ahayni, u arkayeen gobola xasiloon oo nabdoon, oo ka soo gudbay dhibaatooyinka wadanka intiisa kale
Aafayay, anigu se waxaan ku tilmaamay xasiloonidaa iyo nabadaa mid dul saran burkaan waqtiga uu doono qarxaaya, dabcan markaan sidaas lahaa iguma ay jirin colaad iyo cadaawad gaar ah oo aan goboladaa u qabaa, oo dee anigaaba ka soo jeeda oo waa deegaankaygii, hase yeeshee waxaan xogogaal u ahaa wax badan oo huursan iyo waxyaabo iskaba muuqday in dhibtoodu soo fool leedahay, bal se ay maamul beeleedka
SNM ee goboladaa qaar ka taliyaa, ay had iyo jeer dedaal dheeri ah ugu jiraan siday ku dedi lahaayeen, oo uga qarin lahaayeen indhaha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeedba, aynaba ku qanceen sidaas maadaam aanay goboladaa ka dhicin wax dagaalo iyo rabshado ah muda dheer, hada se waxa muuqata in ay bilaabantay tii aan ka digaayay, dhibaatooyinkan ka soo cusuboonaaday mandaqaduna waxay walaac gelisay
Beesha caalamka, taas oo dhirbaaxo siyaasadeed ku noqotay maamul beeleedka SNM, hadaba waxa dhowaan qoraal arintan ka qoray aad warbaahinta loogu baahiyay taageerta maamul beeleedka SNM, nin la yidhaahdo C/raxmaan Yuusuf Cartan, oo ka ah maamulka SNMta xildhibaan, qoraalka oo ay warbaahintaasu aad u buun buunisay, markii dembena weliba si uu u sii faah faahiyo ay kala yeesheen
Waraysi cod ah, runtii anigu codkii kama faa’iidaysan, waayo xildhibaankuna nin xabeeb leh buu ahaa, duubista codkuna ma wanaagsanayn, hase yeeshee waxaan aqriyay qoraalka oo sida muuqata uu ugu tala galay in uu ummada ka marin habaabiyo wixii ka dhacay Kalshaale, uuna eedaha oo dhan dusha ka saaro deegaanka Buhoodle iyo hogaanka SSC, iyada oo ay dhacdadani weli qoyan tahay oo laga wada dhergsan
Yahay siday u dhacday, oo ah in maleeshiya beeleedka maamulka SNM ee uu xildhibaanka ka yahay ku soo xadgudbeen beel la deris ah, ayna u gaysteen shacabkaa dembiya dagaal iyo gabood falo kale, hase yeeshee xildhibaanku isaga oo taas iska indha tiraaya buu wuxuu isku deyayaa in uu eedahaa ka barii yeelo maamulka uu xildhibaanka ka yahay, dushana ka saaro shacabka deegaanka Buhoodle iyo hogaanka SSC, marka bal hoos baan ku soo qodobaynayaa arimihii uu ka hadlay qaar.
SSC maxay tahay?
Arimaha uu cartan isku deyaayo in uu turxaan u yeelo, runtii beryahan dambena ay aad ugu mashquulsanaayeen turxaan gelinteeda warbaahinta taageerta maamul beeleedkaa SNM, ee uu cartan xildhibaanka ka yahay waa SSC, oo u taagan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, iyada oo xildhibaanka iyo warbaahintaasuba sida muuqata isku deyayaan, in ay fidna ka dhex abuuraan beelaha Soomaaliyeed ee
SII AKHRI 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...