Friday 1 April 2011

Warbixin: Tirokoobkii ugu Dambeeyey ee Khasaaraha Dhimasho & Dhaawac ee Wadanka Soomaaliya

Muqdisho (RBC Radio) Marka la eego wadanka Soomaaliya todobaadkaan waxaa ku geeriyooday inta la ogyahay 8 ruux halka ay ku dhaawacmeen dad kale oo tiradoodu gaarayso 11 ruux.
Arrintaan ayaa waxaa la gu ogaaday tirokoobka todobaadalahaa oo uu RBC Radio ka samayso todobaad walba dhamaanba gobolada wadanka Soomaaliya.

Maalinimadii Sabtiga
oo ay taariiqdu ahayd mar,26 Dagaalo xoogan oo ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa iyo 3 ruux halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.
Maalinimadii Axada oo ay taariiqdu ahayd mar,27. dagaalo ayaa waxa ay ka dhaceen magaalada Muqdisho ilaa iyo 1 ruux ayaa ku geeriyooday 1 ruux oo kalana wuu ku dhaawacmay.
Maalinimadii Isniinta . oo ay taariiqdu ku aadaneed Mar,28, dagaal ayaa waxa uu ka dhacay gobalka Hiiraan waxaa ku geeriyooday ilaa iyo 5 ruux halka ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 6 ruux oo kale.

Maalinimadii Talaadada
. oo ay taariiqdu ku aadaneed Mar,29, magaalada Boosaaso ayaa waxaa lagu dilay Nabadoon caan ahaa kaasi oo magaciisa lagu soogaabiyay nabadoon Cartan

Maalinimadii Arbacada
oo ay taariiqdu ahayd ,Mar,30, Duqaymo xoogan oo ku dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhaawaxmay ilaa iyo 3 ruux

Isla Maalinimadii Arbacada
oo ay taariiqdu ahayd ,Mar,30, qarax ayaa waxa uu ka dhacay degmada Luuq waxaana lala eegtay ciidamada dowlada
waxaa ku geeriyooday 1 ruux halka ay ku dhaawacmay 1 ruux oo kale.
.
Marka laga soo tago deegaanada iyo magaalooyinka ay rabshadaan waxyeelada sababay ay ka dhaceen ayaa waxaa jiray meelo badan oo ka mid ah wadanka Soomaaliya oo iska nobdoonaa todobaadkaan oo aysan ka dhicin wax rabshadaa.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...