Sunday 10 July 2011

Al-Shabaab oo la wareegay Gawaari Qaad siday iyo deegaanada loo barakacay oo ay ka mamnuuceen

Xarakada Al-Shabaab ayaa maalintii shalay la wareegay Gawaari Qaad u siday deegaanada ay maamulaan ee duleedka Muqdisho iyo Afgooye, iyagoo la sheegay inay dab qabadsiiyeen Qaadkaas oo ay kala wareegeen Ganacsatadii watay.

Wararka ayaa sheegaya inay mamnuuceen Qaadka iyo sigaarka, iyagoo howl gal ballaaran oo looga hortagayo waxyaabaha maanka dooriya ka bilaabeen deegaanada loo bakaracay ee Ceelasha Biyaha.

Amarkan oo aan la ogeyn inuu yahay mid si guud ah uga soo baxay hogaanka Al-Shabaab iyo in kale ayaa la sheegay in lagu wargeliyay ganacsatada inay joojiyaan ka ganacsiga Qaadka iyo waxyaabaha maanka dooriya.

Ganacsato fara badan oo u haween ah ayaa bilaabay inay isaga soo tagaan deegaanada Shabaabka maamulaan, si ay ugu ganacsadaan deegaanada ay Dowladda maamusho, iyadoo dadka ay walaac ka muujiyeen xilligan oo aysan heysan wax hanti ah, nolol maalmeedkoodana ka raadsadaan Qaadka laga mamnuuco.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Shabaabka waxay ka wadeen deegaanada ay ka taliyeen howl galo ay kaga hortagayeen qaadka, iyadoo maalmo ka hor ay Qaad fara badan ku gubeen Isgoyska Black Sea, kadib markii haween ka ganacsanayay qaadka ay kala eryeen kalana wareegeen qaadka.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...