Thursday 21 July 2011

Ciidamada Somaliland oo howl gal ay ka sameeyeen Hargeysa ku xir-xiray Ragg Baasaboorka E-Passport ku sameyanayay

Ciidamada Maamulka la magaca baxay Somaliland ayaa howl gal ay shalay ka sameeyeen Magaalada Hargeysa ku xir xiray shaqsiyaad ku howlanaa sameynta Baasaboorka cusub ee loo yaqaano E-Passport, iyadoo raggaas lagu soo qabtay qalab kala duwan.

Taliye xigeenka Bileyska Magaalada Hargeysa C/raxmaan Libaan ayaa sheegay in howl galka ay ciidanka sameeyeen ay ku soo qabteen ilaa saddex ragg oo laga yaqaano magaalada Hargeysa, kuwaas oo sameynayay Baasaboorka.

"Saddex nin ayay Ciidanka Bileyska howl gal ay ka sameeyeen Hargeysa ku soo qabteen, raggaas waxaan ku soo qabanay Computero, Camerooyin ID Card iyo agab kale oo ay ku sameynayeen Baasaboorka dalka Soomaaliya ee E-Passport"ayuu yiri Taliye xigeenka.

Raggan ayaa sida muuqatay ahaa kuwo si qarsoodi ah ku sameynayay Baasaboorka cusub ee E-Passport ee dhowaan ay shaacisay Wasaarada Arrimaha Dibada in la sameysto, isla markaana la mamnuucay Baasaboorkii hore ee cagaarnaa.

Ma Cada in raggaas ay ahaayeen kuwo wakiil uga ahaa Waaxda Socdaalka Magaalada Hargeysa, si ay dadka ugu fududeeyaan inay baabsaboorka cusub ugu sameeyaan halkaas bedelkii ay u imaan lahaayeen Magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka qaar oo dhowaan laga furay Xafiisyo.

War si wada jir ah dhowana uga soo baxay Waaxda Socdaalka iyo Wasaarada Arrimaha Dibada ayaa lagu sheegay in la mamnuucay Baasaboorkii hore ee cagaarnaa, kaasoo dadka ay ku safraan dalal dhowr ah oo aqoonsigiisa uu ku soo uruuray, iyadoo dadweynaha Soomaaliyed la faray inay qaataan Baasaboorka E-Passport

Somaliland ayaa diiday inay aqoonsato baasaboorka cusub ee E-Passport, taasoo keentay in dadka aadaya halkaas ay qaataan baasaboorka cagaaran ee horay loo isticmaali jiray.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...