Thursday, 21 July 2011

Ciidamo Ethiopian- ah oo dhulka Somalida ku qab qabtay gawaari Xamuul



Dhuusamareeb: (Sh. M. Network)  Ciidamo ka tirsan Ethiopia ayaa howlgallo ay ka sameeyeen dhulka Soomaalida ee Ethiopia waxaa ay ku qab qabteen gawaarida siday badeecooyin kala duwan, iyadoo arintaasi ay walaac xooggan ka muujiyeen darawlada gaadiidka.

Inka badan 5-gaari oo ah kuwa qaada rakaabka iyo badeecooyinka ayaa waxaa la sheegay inay magaalooyinka Galaadi iyo Wardheer ee dhulka Soomaalida ee Ethiopia ay ku qabteen  ciidamo ka tirsan dowladda Ethiopia oo maamlmahaan howlgallo halkaasi ka waday.

Talabada ay ku qab qateen ciidammada Ethiopian-ka gadiidkaasi ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamaasi ay sheegeen inay kontarabaan yihiin badeecadaha ay wadeen gadiidkaasi, waxaana warku uu intaasi ku darayaa in ciidamo badan oo ka hortaga kadiidkaasi in lasoo buux dhaafiyay dhulka Soomaalida ee Ethiopia kuwaasi oo wada howlgallo ay ku baacsanayaan gadiidka badeecadaha halkaasi u wada.

Qaar ka mid ah Wadayaasha ooo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in gadiidkaasi ay hada gacanta ku hayaan ciidamada Ethiopian-ka ah,  waxaana ay intaasi ku dareen in arintaasi ay cabsi ku beertay wadayaasha gadiidka ee halkaasi geeya badeecadaha kuwaasi oo sidoo kale sheegay inay jiraan dadaalo lagu siideynayo gadiidka oo ay wadaan Maamulka Soomaalida iyo Malkiilayaasha gadiidkaasi.

Gadiidkaani ayaa waxa ay isaga kala gooshaan gobolada dhaxe iyo sidoo kale dhulka Soomaalida ee Ethiopia ay maamusho kuwaasi oo dhulka Soomaalida geeya rakaab iyo badeecadooyin isugu jira nuucyo kala Duwan.

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...