Monday 11 July 2011

Dulmigii kajiray Shabeelaha Hoose wuxuu gaaray Heer Biyaha Webiga la Iibsado:Abuu-Cabdalla oo ka ooysiiyay dadweynaha Gobolka Sh/Hoose


PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Monday, 11 July 2011 02:36

Wilaayada Islaamiga Shabeelaha Hoose ayaa ka warbixisay Maxkamada Raddul Madaalim ee ka furantay degmooyinka kala gedisan ee wilaayadaasi shabeelaha Hoose.


Sheekh Maxamed Abaa Cabdalla Waaliga Shabeelaha Hoose oo warbaahinta Islaamiga lahadlay ayaa sheegay in shareecada Alle ay tahay Cizzi iyo sharaf aan qiimaheeda lasoo koobi karin maadaama ay u cadaalad falayso adoomada Alle ee isku dulmiyay.


Abaa Cabdalla oo ka hadlayay xukunno ay ridday Raddul Madaalim ayaa sheegay in shacabka Shabeelaha hoose ay nasiib u yeesheen in ay helaan cadaalad iyo nidaam islaami ah oo Alle ku xira bulshada.

Waaliga ayaa soo hadal qaaday xumaantii ay dadka u geysan jireen dad faasiqiin ah oo qaab beeleed ula wareegay,beero,dhul, guryo iyo gaadiid aysan lahayn wuxuuna sheegay in kuwaasi Aakhiri lala xisaabtami doono aduunyadana ay ciqaabta alle ku arki doonaan.

Sheekh ayaa yiri "Dulmiga gobolkaan kajiray wuxuu gaaray heer biyaha Webiga laga Iibsado masaakiinta", markii hadalkaasi waaliga Afkiisa kasoo baxay ayay qof walba niyadeeda ka guuxday ficiladii foosha xumaa ee uu Indho Cadde shacabka uga iibin jiray biyaha webiga.


Dad Mustadcafiin ahaa xiligii dagaal Ooge indho Cadde heystay shabeelaha Hoose ayaa maanta sharaf leh waxayna lasimanyihiin dadka caadiga ah ee ku dhaqan wilaayadaasi shabeelaha Hoose

Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono 

Email: Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...