Friday 8 July 2011

FADEEXAD WEYN: Raashiinkii Gargaarka ee WFP oo Dekeda Muqdisho lagu kala Iibsanayo Xilli Kumanaan Ruux ay Gaajo U Dhimanayaan


Muqdisho (RBC) Sida ay xog ku heshay Shabakada Raxanreeb.com waxaa si weyn dekeda magaalada Muqdisho uga socda kala iibsiga raashiin deeq ah oo ay hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada ka soo dejisay ee WFP ka soo dejisay dekeda looguna talagalay in lagu gargaaro dadka tabaaleysan.
Ilo wareedyo ku sugan gudaha dekeda oo ka gaabsaday in la magacaabo ayaa RBC Radio u sheegay in rag ganacsato ah ay bilaabeen inay raashiinka ka iibsadaan saraakiil ka tirsan WFP oo gacanta ku heysa raashiinka.
“Waa wax muuqda oo aan qarsooneyn in raashiinka la kala iibsanayo” ayuu yiri mid ka mid ah ragga ka hawlgala dekeda oo naga codsaday inaan la magacaabin.
“Walaal meesha waxaaba ka furmay suuq raashiinka lagu kala gato” ayuu sii raaciyey ninkaasi.
Waxaa dekeda weyn ee Muqdisho haatan ku xiran markab weyn oo u kireysan WFP kaasoo sida raashiin u badan galey, boorash iyo saliid. Wuxuuna raashiinkan qeyb ka yahay gurmadka ay WFP ugu talagashay in la gaarsiiyo dadka ku tabaaleysan gudaha wadanka Soomaaliya ee ay saameysay abaaraha baahsan ee wadanka ku dhuftey sanadkan.
Sida ay noogu warameen ilo wareedyada, ganacsato dhowr ah oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay ku lug leeyihiin arintan iyagoo gawaari waaweyn kaga qaata dekeda raashiinka.
“Rag shaqaalaha WFP ka tirsan ayaa ganacsatada ka qaata lacagaha waxayna ku wareejiyaan raashiinka marka ay dekeda ka soo saaraan” ayuu yiri ruuxa u waramay RBC Radio oo intaa ku daray in baabuur xamuul ah ay dekeda ka soo saaraan raashiinka ka dibna ay toos ula wareegaan ganacsatada oo lacago ugu bedela shakhsiyaad ka tirsan WFP oo jooga Muqdisho.
Suuqa degmada Xamarweyne ayaa na loo xaqiijiyey in lagu arkay kiishash ay ku qoran yihiin calaamada ‘GIFT’ oo suuqa lagu iibinayo iyadoo halkii kiish ee galey ah uu haatan marayo lacag gaareysa 200,000 SH.so.
Waxaa sidoo kale jirta in raashiin boqolaal tone lagu qiyaasayo inuu haatan ku keydsan yahay bakhaaro waaweyn oo WFP ku leedahay agagaarka Garoonka diyaaradaha iyo KM-4 ee magaalada Muqdisho. Waxaana si weyn looga cabanayaa in raashiinkaasi uu qaarkiis xumaaday ka dib markii uu mudo dheer ku jiray bakhaaro iyadoo aan la siin dadka ku gaajoonaya daafaha magaalada Muqdisho.
Masuuliyiinta dekeda oo aan maanta la xiriirnay si aan arintan wax uga weydiino ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan, waxayna noo sheegeen inay iyagu ay fara gelin karin hawlaha WFP balse ay tahay shaqada xukuumada.
Saraakiisha dekedu waxay cadeeyeen inay og yihiin in raashiin gargaar ah oo ka dego dekeda laakiin aysan ogeyn halka uu maro.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...